Thaabit oo saddex arrin midkood kula taliyay dowladda inay ku xaliso xiisadda taagan

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Thaabit Cabdi Maxamed ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xiisadda ka taagan xaruntii hore ee Dab-demiska ee magaalada Muqdisho.

Dhulkan oo ay amartay dowladda in laga guuro ayaa waxay adka degan qaarkood si adag uga horyimaadeen amarka guurista, ayaga oo dowladda ku eedeeyay inay dhulkaas u gacan galineyso shaqsiyaad gaar ah, waxaana socda abaabul looga hortegayo in Booliska uu qasab ku raro dadka shacabka ah ee degan dhulkaasi maalinta berri ah ee Sabtida.

Thaabit Cabdi ayaa dowladda usoo jeediyay in aysan qasab uga rarin dhulkaasi shacabka degan, isaggoo ku taliyay in xiisadda taagan lagu dayo saddex arrin midkood, si xal-waara loo helo.

Hoos ka aqriso qoraalka Thaabit;

Haddii dhulka dantaguud dowladdu leedahay, dowladnimaduna soo shacabku ma lahan?

Hay’addaha kala duwan ee Dowladda dhul danguud ah wey u baahan karaan si loogu adeego shacabka balse waxaa loo maraa nidaam madani amma rayit ah si xal-waara loo helo oo ah sida soo socota:

1. In isla dhulka dantaguud loogu baahday laga cabiro dhul loo isticmaalo dantaguud dadkana lagu deegaameeyo dhulka kale ee soo hara. Sow Boolisku ma ahan saaxiibka iyo ilaaliyaha shacabka?.

2. Haddii uusan dhulka qaybsami karin, in dhul kale shacabka meesha dagan lagu deegaameeyo.

3. Haddii la waayo labbada xal ee 1 & 2 in shacabka meesha dagan la siiyo magdhaw maangal ah si shacabka aysan isla magaaladoodii la-barakiciyayaal ugu noqon.

Waxaan rabaa inaan si dareen leh u xusuusiyo madaxdka dalka dhaqaale xumida guud ee caalamka ka jirta, haddana shacabkeena badankii waxay maanta la daalaa-dhacayaan dhaqaalo xumi aad u daran, kuleylka bisha April-na u sii dheer tahay ee aan ahmiyad weyn siinno bad-qabka iyo daryeelka shacabkeena.

Muxuu salka ku hayaa khilaafka Xasan Sheekh iyo madax goboleedyada?