Ajaaniib usoo dagaal tegay Soomaaliya oo la qabtay

Boosaaso (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo qorsheysan oo ay ciidamada ammaanka Puntland ka sameeyeen dhulka buuraha ee gobolka Bari, kuwaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Daacish oo ku sugan halkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo ku dhow laamaha amniga Puntland ayaa innoo xaqiijiyay in howlgalladaas oo la sameeyay muddooyinkii u dambeeyay lagu soo qabtay xubnihii ugu badnaa oo ajaaniib ah, kana barbar dagaalamayay kooxdan.

Warbixinada la helaya ayaa muujinaya in xubnahaasi ay kor u dhaafayaan illaa 20, isla-markaana lagu qabtay howlgal ka dhacay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Sida ay ogaatay Caasimada Online ajaaniibtan ayaa waxa ay kasoo kala jeedaan dalalka Itoobiya, Sudan, Marooko, Yemen iyo dalal kale.

Xubnaha ajaaaniibta ee haatan usoo gacan galay Puntland ayaa hadda waxaa ku socdo baaritaano dheeraad ah, ayada oo la filayo in lasoo saaro Maxkamad deg deg ah.

Puntland ayaa howlgallo culus  ka wada buuraha Galgalga oo ay ku sugan yihiin xubno ka kala tirsan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo weeraro kasoo abaabula halkaasi.

Inta badan waxaa dhulka buuraleyda ah ka dhaca dagaallo dhex-mara labada, kuwaas oo inta badan sababay khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Howlgalladan ka dhacay gobolka Bari ayaa dhinaca kale kusoo aadayo, ayada oo haatan Puntland ay ku jiro marxalad doorasho oo dhaliyay khilaaf siyaasadeed oo xoogleh.