Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland, ayaa sheegaya in halkaa lagu qabtay mid ka mid ah magafayaashii Tahriibin jiray Dhalinyarada Soomaaliyeed oo ku sugnaa magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
Magafahani oo loo aaneynaayo geerida boqolaal dhalinyaro oo Tahriib ah ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada amaanka Gobolka Bari oo iyagu xiligaa waday howlgal lagu baadi-goobaayay magafayaasha.
Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in magafahaasi uu galay danbiyo bani’aadanimo, isla markaana ay ciidamadu ku guuleysteen gacan ku dhigidiisa.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in ninkaasi hada lagu hayo baaritaano la xiriira dhibaatada uu u geystay shacabka Tahriibka ahaa, waxa uuna cadeeyay in la horgeyn doono Maxkamada.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in magafaha la qabtay uu carruur badan ku xasuuqay badda isagoo ka qaadanaayay dhaqaale xoogan oo lagu safrin jiray dhalinyarada.
Dhinaca kale, maamulka ayaa sheegay in magafaha ay horkeeni doonaan warbaahinta isla markaana uu qiran doono waxa dhiba ee uu geystay.
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]