Ciidamada PUNTLAND oo gacanta ku dhigay maanta shabakado lagu raad-joogay

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa howl-gallo ay saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Mudug waxa ay gacanta ku sood dhigeen shabakado isku xiran oo lagu raad-joogay maalmihii la soo dhaafay.

Shabakadahan oo ka ganacsadaha maan-dooriyaha, kana kooban dhowr xubnood ayaa lagu kala qabtay degmooyinka Jarriiban iyo Galdogob ee gobolka Mudug.

Laamaha ammaanka ee maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in howl-galladan lagu soo qabtay laba ka mid ah shabakadihii ugu weynaa ee maandooriyaha khamriga gelin jiray gudaha deegaanada maamulkaasi iyo sidoo kale gaadiidka ay ku howl-geli jireen.

Sidoo kale saraakiisha laamaha ammaanka ayaa xusay in dadka la qabtay la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo waafaqsan sharciga.

Ugu dambeyn waxay ugu baaqeen shacabka inay ciidamada ammaanka kala shaqeeyaan howl-gallada lagu sugayo, laguna ciribtirayo ka ganacsiga waxyaabaha maanka-dooriya.

Booliska Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyey xoojiyey howl-gallada ay ka wadaan gobolka Mudug, kuwaas oo lagula dagaalamayo kooxaha ka ganacsada maandooriyaha.

Si kastaba Gaalkacyo iyo degmooyinka kale ee gobolkaas ayaa maalmihii lasoo  dhaafay laga dareemayey xasilooni, kadib markii la kordhiyey howl-gallada ka socda halkaasi.