25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Puntland oo go’aan cusub ka qaadatay shirka Kismaayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland, ayaa waxa uu cadeeyay inay ka qaybgalayan shirka Magaalada Kismaayo, oo maalinta Axada lagu wado in uu ka furmo Magaalada Kismaayo.

Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo maanta ka qabsoomay Magaalada Boosaaso, ayaa waxaa laga soo saaray War Murtiyeed lagu xaqiijinayo in Puntland taggi doonto shirka Kismaayo.

Puntland, ayaa War Murtiyeedka ku sheegtay “Golaha Xukuumadda Dawladda ayaa caddeeyay inay uga qaybgalayaan shirka lagu qabanayo Magaaladda Kislaamyo si mug leh oo dhamaystiran, maadaama uu yahay shir dastuuri ah oo lagu xoojinayo wada-shaqaynta Dawladda federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka.

Gollaha xukuumadda Dowladda Puntland ayaa caddeeyay in dastuurka KMG ah ee Dowladda Federaalku uu si faahfaahsan u qeexayo iskaashiga heerarka Federaalka, Sidaa awgeed dowladda Puntland ay si buuxda ugu qayb noqon-doonto shirka lagu qaban doono caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland.

Golaha xukuumadda Dowladda Puntland ayaa sheegay ins hirarka iyo kullamada maamulada iyo dowladda federaalku uu ka mid yahay mid lagu xoojinayo hannaanka Federaala iyo midnimada dalka, sidaa darteed ay tahay wax loo baahan yahay inay kulmaan mar walba oo ay soo kordhaan xaalado u baahan wado-tashiyo dheeraad ah.

Go’aanka dowladda Puntland ku gaartay inay ka qaybgasho shirka Kismaayo ayaa ka duwan, hadal uu madaxweyne k/xigeenka Puntland C/xaakiim Xaaji Cumar Camay uu labo maalmod ka hor jeediyay, kaasi oo uu ku sheegay in aan Maslaxadi ugu jirin dadka Soomaaliyeed shirka Kismaayo. wuxuuna ku taliyay in maamul goboleedkii wax tabanayo uu xamar tago oo uu dowladda la hadlo.”

- Advertisement -

Read more

Local News