Shariif Xasan oo u muuqda inuu saameynayo khilaafka siyaasadeed ee dalka

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo u muuqday mid ka walwalsan in uu saameeyo khilaafyada siyaasadeed ee maamuladii isaga ka horeeyay soo hareeyay sida Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa ka hadlay arrimaha Federaalka iyo sida Koonfur Galbeed iyo shacabkaba ay u taageeraan nidaamka Federaalka.

Shacabka ku dhaqan degaanada Koonfur Galbeed ayuu ugu baaqay in ay garab istaagaan in uu shaqeeyo nidaamka Federaalka hadii ay doonayaan in uu jiro magacooda, sida uu hadalka u yiri.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa u muuqday in uu la hadlayo xildhibaano Moosdhin ka wada isaga, kuwaasi oo sheegay in ay doonayaan in isbedel uu ku dhaco hoggaanka sare ee maamulka Koonfur Galbeed.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Koonfur Galbeed in Hay’addo Dastuuri ah uu leeyahay maamulka Koonfur Galbeed loona baahan yahay in wixii tabashooyin ama khilaaf siyaasadeed ah lagu xaliyo Hay’adaha kala duwan ee maamulka Koonfur Galbeed.

Dhanka kale xildhibaanada Mooshin ka keenay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan ayaa sheegay in Shariif uu ku tuntay qodobo fara badan oo ka mid ah Dastuurka Maamulka Koonfur Galbeed iyo Dastuurka Soomaaliya.

Xildhibaan Dhubad Maxamed Dhaqane ayaa sheegay hadii Madaxweyne Shariif uusan dooneyn in khalkhal siyaasadeed aanan la gelin degaanada Koonfur Galbeed uu iska casilo xilka Madaxweynaha.

Wuxuu sheegay xildhibaanka mudadii uu hoggaaminayay Shariif Xasan maamulka Koonfur Galbeed in uu ahaa maamul fadhiid ah, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Sidoo kale Dhubad Maxamed Dhaqane ayaa sheegay xildhibaanada Koonfue Galbeed ee wada mooshinka ka dhanka ah Shariif Xasan xilli kasta in ay ka go’an tahay isbedel ay ku sameeyaan hoggaanka sare.

Wixii ka dambeeyay markii Dowladda dhexe ee Soomaaliya ay go’aanka dhex dhexaadnimo ka qaadatay khilaafka wadamada khaliijka qaar ka mid ah Dowlad goboleedyadana ay ku gacan seereen go’aanka Dowladda waxaa degaanada maamul goboleedyada qaarkood ka bilaabatay khilaafaadyo siyaasadeed oo u dhaxeeya masuuliyiinta Dowlad goboleedyada.

Maalmihii u dambeeyay hadal heyn badan oo bulshada dhexdeeda ah ayaa waxa ay aheyd in maamulka Saddexaad ee ay saameyn karto arrimaha khaliijka uu yahay maamulka Koonfur Galbeed, inkastoo Shariif Xasan looga bartay inuu ka dabaasho xaalad kasta oo siyaasadeed.

W/D Mohamed Abdi Ali