Yaa mas’uul ka ah is af-garan waaga maamulka Puntland iyo shacabka Boosaaso?

Shacabka Puntland wuxuu rumaysan yahay in aanay jirin cid hortaagan mashruuca horumarineed oo Puntland laga hirgalinayo haddii aanay caqabado kale jirin.

Toddobaadkii la soo dhaafay waxaa jiray Magaalada Bosaaso buuq hareeyay oo ku saabsan ballaarinta dekedda Bosaso oo sabababay in howshii hakad gasho, sababaha soo socda Dartood.

  1. Ugu horrayn goobta wax laga dhisaayo shacabka deriska la ah maamulka Puntland waa dhayal-saday wax shirar iyo wacyi gelin midna lama yeelan, si loola socod siiyo ahmiyadda Mashruucu u leeyahay dalka iyo dadka Puntland. Arrintaasna eedeeda waxaa la saaray Madaxda dowladda Puntland oo dareenkaasu ka maqnaa. In aan (timir ba laf laga filan) dadka degaanka ku leh dhulka dekedda ku soo luga fidsanayso oo aan la qadarin.
  2. Qorshaha howl fulinta waxaa laga bilaabay meel qaldan markii laaluush wadareed sharafta lagaga qaaday hay’addii sharci dejinta taasoo shaki gelisay shacabka.
  3. in Bixinta lacagta lagu soo qaaday magaca dekedda Bosaso, lagu bilaabay Garoowe, Mudug, iyo Wadada Ceel-daahir.
  4. In lacagtii la keenay magaalada Bosaso loo gacan geliyay dad qaab dalaaliin u dhaqmay qabqablayaasha maamulka Puntland oo shacabkii u kala qaybiyey kuwo dowladda la jira iyo kuwo ka soo horjeeda, iyadoo lagu qanciyay madaxweynaha inay jiraan taageerayaal mashruuca iyo kuwo ka soo horjeeda taasoo xaqiiqda ka fog.
  5. Waxaa kaalin firfircoon ka qaatay is-hortaaga mashruuca nimanka loo yaqaan arbaabyada doonyaha soo kiraysta oo u arkay in qorshuhu lid ku  yahay danaysiyadooda.
  6. Ganacsatada wax ka dhoofsata iyo kuw kala soo dega oo isu kaashaday inau shirkadda DP World joojinayso naas nuujinta ayku haystaan howl fududeynta iyo tashiilaadka qaabka loola macaamilo markii ay ogaadeen shuruudaha adag ee ka jira dekedaha ay maamusho DP World.
  7. Qayla dhaanta culayska ka soo yeeray Dekeda Berbera markii lagu wareejiyey 2 bilood ka hor shirkadda DP World oo didisay ganacsatadii iyo xamaaligii.
  8. Saxaafadda (mediayaha) oo ka soo tebieye dekedaha laga eryay DP workd ee Cadan iyo Jabuuti iyo Berbera oo xaalkeeda taagan yahay ayaa xaalada sii iftiimiyey.
  9. Mudada 30 sano ah oo aad u badan iyo howsha la sheegay naqshada ay ka fulinayaan oo aan isu-dhigmin.
  10. Lacagtii laga qaaday shirkadda oo aan bankiga dowladda lagu shubin.
  11. Heshiiskii oo aan shacabka loo soo bandhigin, oo dad badan lagu yiri inay jiraan qodobo sir ah oo aan si toos ah loo cadayn.
  12. Dowladda Puntland oo uu ka maqan dareenka culayska saxaafadda ku leedahay qancinta iyo jiheynta bulshadda taaso aan lahayn wargeys ama idaacad afkeeda ku hadla, TVga Puntland mooye.
  13. Madaxda dowladda Puntland oo u badan qurba joog aan la jaanqaadi karin wadciga iyo fekerka bulshada oo qaarkood yasaan Fekerka bulshada.

Qoraalkan waxa uu kusoo baxay Wargayska Kaaha-Bari