Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ayaa soo saaray go’aan ka dhan ah howl-gallada xisbiyada siyaasadda dalka ee heer federaal ee deegaanada Puntland.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa lagu amray Xisbiyada Siyaasadeed in ay hakiyaan dhamaan wixii shaqo ah ee gudaha dowladda Puntland.
Puntland waxa ay sheegtay in xisbiyada aysan ka howl-gali karin Puntland inta laga dhameystirayo dhamaan siyaasadihii iyo shuruucdii lagu hagi lahaa geedi socodka dimuqraadiyeynta iyo doorashooyinka dalka.
Amarkan ayaa yimid maalmo un kadib marki Puntland ay xirtay xafiis uu xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku lahaa mnagaalada Garoowe.
Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Puntland
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]