Sawirro: Abiy oo la kulmay Muuse Biixi uguna yeeray ‘Madaxweyne Maamul’

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa galabta la kulmay madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo ku sugan caasimadda dalka Itoobiya.

Bayaan kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa lagu faah-faahiyey waxyaabihii kulanka looga hadlay, waxaana xusid mudan in Abiy uu Muuse Biixi ugu yeeray “madaxweyne maamul.”

Inkasta oo Itoobiya aysan siyaasad ahaan Somaliland u aqoonsaneyn dal, haddana inta badan madaxdii ka horreysay Abiy Ahmed waxay ku gaabsan jireen “madaxweynaha Somaliland”, ayaga oo aan dal iyo maamul midna ku sheegin, waxaana in si toos ah uu hadda ugu yeeray madaxweyne maamul ay muujineysaa is-beddel weyn.

Bayaanka ayaa u qornaan sidan:

“Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo waftigiisa. Labada dhinac ayaa ka hadlay iskuna raacay dhowr qodob oo muhiim ah oo ay ku jiraan xiriirka dadkooda, xaqiijinta fayo-qabka dadka Itoobiyaanka ah ee jooga Somaliland iyo ka shaqeynta arrimaha mideeya labada dhinac ee nabadda iyo amniga.

Muuse Biixi waxa uu bogaadiyey horumarka ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu ka sameeyey is-dhex galka gobolka, wuxuuna aqbalay baaqa ra’iisul wasaaraha ee ah in lasii xoojiiyo xiriirka wada-shaqeyna ee Maamulka Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Mid taas la xiriirta, waxaa lagu heshiiyey in la qabto wada-hadallo fool ka fool ah mustaqbalka. Waxay labada dhinac kusoo geba gebeeyeen wada-hadalkooda inay ka xaajoodeen isticmaalka dekedaha iyo xiriirada kale ee dhaqaale”

Kulanka Muuse Biixi Cabdi iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed, ayaa waxa ku wehelinayey wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Dr. Workneh Gebeyehu iyo madaxa xafiiska ra’iisal wasaaraha Itoobiya, dhinaca Somaliland-na waxa madaxweynaha wehelinayey wasiirrada arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon), arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo wasiirka wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin).

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
Caasimada@live.com