PUNTLAND oo howlgal kusoo qabatay 300 oo ajaaniib ah

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxa laga helayaa howlgallo qorsheysan oo ay ciidamada ammaanka Puntland weli ka wadaan qaybo badan oo kamid ah magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Baari, kuwaas oo lagu xaqiijinayo amniga.

Howlgalladan ayaa waxaa si wadajir ah isaga kaashanayo ciidanka ammaanka gobolka Bari iyo kuwa Daraawiishta Puntland, kuwaas oo laba jibaaray dhaq-dhaqaaqooda, si looga hortago kooxda Daacish oo ku xooggan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Puntland howlgalladan oo qaatay maalmo badan ayaa intii ay socdeen waxaa lagu soo qabtay in ka badan 300 oo ajaaniib ah iyo Soomaali kale, kuwaas oo looga shakiyey inay xiriir laleeyihiin kooxda Daacish.

Xubnaha lasoo qabtay ee ajaaniibta u badan ayaa haatan ku jira gacanta hay’adaha amniga, waxaana ku socdo baaritaano dheeraad ah oo ay ku hayso Puntland.

Howlgalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo ay dhowaan ciidamada ay ku dileen nin ajnabi ah oo dhalasho ahaan kasoo jeedo dalka Yemen, kaas oo miino ku aasayey bartamaha magaalada Boosaaso, iyagoo intaas kadib gurrigiisa kasoo helay qaraxyo iyo agabyo kale.

Ujeedka u wayn ee howlgalladan ayaa ah sidii loo xaqiijin lahaa amniga Boosaaso, loogana hortagi lahaa weerarada qorsheysan ee ay soo abaabulaan kooxaha nabad-diidka ah.

Puntland ayaa haatan dagaal adag kula jirto kooxda Daacish, waxayna ciidamada isku sii fidinayaan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, waxaana ugu dambeysaymaalin kahor oo ay  si buuxda ula wareegeen taliskii argagixisada ee Tuulada Tuurmasaale ee gobolkaasi.