26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Puntland oo iska fogeysay arrin la xiriirta qorshaha doorashada Xasan Sheekh

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa si cad u beeniyay warar lagu baahiyay baraha bulshada, kuwaas oo sheegayay in xubno ka tirsan guddiga ay xog muhiim ah u gudbiyeen guddiga doorashooyinka heer federaal ee muranku ka taagan yahay.

War-saxaafadeed ay soo saareen ayay ku sheegeen in arrintaasi aanay waxba ka jirin. Guddiga PEC waxay sheegeen in xogaha lagu eedeeyay in la bixiyay aysan ahayn kuwo sir ah.

Waxay intaas ku dareen in dhammaan macluumaadka la sheegay in la musuqay ay yihiin xog horey loo shaaciyay lagana heli karo mareegta rasmiga ah ee guddiga doorashooyinka Puntland.

Sidoo kale, PEC waxay caddeeyeen in xogaha la tilmaamay ay ka mid yihiin tirada goobaha diiwaangelinta, tirada dadka is diiwaangeliyay, magacyada goobaha codbixinta, iyo tirada codbixiyeyaasha — dhammaan xogahaasna lagu daabacay si hufan loogana heli karo internet-ka, taasoo meesha ka saaraysa shakiga ah in xog sir ah la bixiyay.

Guddigu wuxuu sheegay in xeerarka iyo habraacyada doorashooyinka qof iyo cod ee laga hirgaliyay Puntland ay iyaguna si furan u yaallaan boggooda internet-ka, si cid walba oo danaynaysa ay u akhrisan karto una xogwaraysan karto. Taas waxay tusaale u tahay sida ay u dheggan yihiin hufnaanta iyo daahfurnaanta hab-raaca doorashooyinka.

War-saxaafadeedka waxaa lagu xusay in xogaha sida magaca goobaha, code-numberkooda, iyo meelaha ay goobuhu ku yaalliin aysan wax sir ah ku jirin, maadaama horey loo faafiyay lana mariyay hannaan sharci ah. Sidaa darteed, guddigu wuxuu cambaareeyay dadka si khaldan u turjumaya ama u faafinaya xogahaas.

PEC waxay ku cel-celiyeen inay mar walba diyaar u yihiin in ay bulshada iyo warbaahinta la wadaagaan xogaha muhiimka ah ee ku saabsan doorashooyinka, balse ay ka xun yihiin in lagu eedeeyo wax aysan samaynin, taasoo dhaawici karta kalsoonida shacabka ku qabaan hay’addooda.

Ugu dambayn, guddigu wuxuu shacabka Puntland iyo dhammaan daneeyayaasha doorashooyinka ugu baaqay inay iska ilaaliyaan faafinta warar aan sal iyo raad toona lahayn, ayna ka warhayaan in xogaha rasmiga ah kaliya laga helo mareegaha iyo ilo-xogeedyada saxda ah ee guddiga PEC.

- Advertisement -

Read more

Local News