Puntland oo jawaab adag ka bixisay eedeyntii ka timid wasiirada DF Soomaaliya

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiiro ka tirsan xukuumadda Puntland oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa ka jawaabay eedeyntii ay dhowaan maamulkaasi u jeediyeen wasiirada dowladda federaalka ee ka qeyb galay shirkii lagu soo xiray Garoowe.

Wasiiradaan oo uu ka mid ahaa midka arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in wasiirada dowladda federaalka ka socday aysan wax door ku laheyn shirweynahaasi oo ahaa mid wadatashi ah, islamarkaana u jeedkiisa uu ahaa mid looga hadlayey aayaha guud ee maamulkaasi.

Sidoo kale Dhabancad ayaa waxaa laga xumaado ku tilmaamay hadalkii shalay ka soo yeeray wasiiradaasi oo qodobada shirka saluug ka muujiyey.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday safarka la filayo in magaalada Muqdisho uu ku yimaado madaxweyne Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni), isaga oo carabka ku dhuftay inuu socdaalkaasi kaliya gogol xaar u yahay shirka ay guud ee ay iclaamisay Puntland.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland ayaa ugu dambeyn hoosta ka xariiqay in madaxweyne Deni uusan xilligan wax wadahadal ah la geli doonin dowladda dhexe.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay wasiirada ku jira xukuumadda Soomaaliya ee ka soo jeeda maamulkaasi ay dhaliileen qodobada qaar ee ku jiray shiirka Garoowe.