Sawirro: Go’aanno ka soo baxay kulankii wasiirada iyo xildhibaanada HAWIYE

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan gaar ah oo xalay hotel-ka Maa’ida (Ex-Naasahablood 2) ee magaalada Muqdisho ay ku yeesheen xildhibaanada iyo wasiirada beelaha Hawiye ee ku jira dowladda Soomaaliya.

Kulankan ayaa looga hadlay wixii laga yeeli lahaa tirada xildhibaanada Beelaha Hawiye laga siiyey baarlamaanka Koonfur Galbeed, oo aad uga yar tiradii ay xaqa u lahaayeen. Beelaha Hawiye ayaa baarlamanka Koonfur Galbeed laga siiyey kaliya illaa 9 xildhibaan.

Sidoo kale xildhibaanada iyo wasiirada kulanka goob-jooga ahaa ayaa isugu jiray mucaarad iyo muxaafid intaba.

Wararka ayaa sheegaya in guddi gaar ah loo saaray raadinta kuraasta ka maqan beelaha Hawiye ee deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddiga oo guddoomiye looga dhigay wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa ka kooban illaa 13 xunood, kuwaas oo loo saaray sidii ay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ugala soo hadli lahaayen saamiga beesha ka maqan iyo tabashadooda.

Xubnaha guddigan cusub ayaa sidoo kale la filayaa in dhowaan ay gaaraan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, si ay u guda galaan howlaha loo igmaday.

Xildhibaanada iyo wasiirada Hawiye ayaa waxa ay ka mideysan yihiin sidii ay arrintaan uga sal gaari lahaayeen, waxaana ay ku ballameen kulamo kale.

Gogosha xigta ayaa waxaa ballan qaaday inuu dhigayo wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Mudane Cabdullaahi Cali Xasan si looga wada hadlo qadiyadaha kale ee beesha.