25.8 C
Mogadishu
Saturday, June 14, 2025

Puntland oo ka cabaneysa duqeymo ay deegaanadeeda ka geysteen maraakiib dagaal

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa daaha ka rogay in maraakiib Shisheeye oo ku sugan xeebaha maamulka ay duqeymo lixaad leh ka geystaan deegaano ka tirsan maamulka.

Maamulka ayaa sheegay in maraakiibtaasi ay gantaalo aan loo fiirsan ku garaacan deegaano dhowr ah oo hoostaga maamulka kuwaa oo aan la ogeyn sababta ka danbeysa weerarkood.

Guddoomiyaha deegaanka Caluula ee Gobolka Bari Maxamuud Axmed Ceynab oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay inay hayaan kiisas dhowr ah oo ay geysteen maraakiibta dagaal ee ku sugan Xeebaha Bari ee Puntland.

Waxa uu intaa ku daray Guddoomiyaha in maraakiibtaasi ay si sharci dara ah uga Kaluumeystaan Xeebaha maamulka Puntland, isla markaana ay ku abaalmariyeen duqeymo ay ka fuliyaan deegaanada maamulka.

Waxa uu sheegay inaanu dooneynin inuu ka hadlo duqeymaha balse uu ka aamusi waayay falkaasi maadaama ay deegaanada la duqeeyay ku sugan yihiin dad shacab ah.

Waxa uu madaxda maamulka ugu baaqay inay wax ka qabtaan arrimahaasi, si looga hortago dhibaatooyinka ka dhalankara duqeymaha.

Si kastaba ha ahaatee, haddalka Gudoomiyaha deegaanka Caluula Maxamuud Axmed Ceynab ayaa ku soo beegmaaya xili dhawaan halkaasi ay ka dhacday duqeyn diyaaradeed oo waxyeelo ay ka soo gaartay dad Xoolo dhaqato ah.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News