Kala sarreynta dhaqaallaha caalamka iyo rajada 2050-ka

Dhab ahaantii dhaqaallaha waa cunsur door wanaagsan ka qaata horumarka ummadaha, dawladaha, qawmiyadaha iyo ilaa qoyska iyo qofka; dunidan casriga ah waxaa jira tira koobyo badan oo kusaabsan dhaqaallaha caalamka iyo halka uu marayo,  sidoo kale waxaa la sii saadaaliyaa waddamada caalamka iyo 20-ilaa 50-ka sanno ee xigta halka ay noqon doonaan.

World Bank, waa mid kamid ah hey’adaha caalamiga ah ee diirradda saara ka hadalka iyo buun buuninta arrimaha dhaqaallaha adduunka, tira koobyada ugu badan ee quseeya arrimahaas ayeey kaalin mugleh ka qaadataan sidii loo soo saari lahaa; warbixin lagu qoray weforum.org oo ah madal inta badan xoogga saarta arrimaha dhaqaallaha ayaa lagu sheegay in dal waynaha Mareykan-ka uu yahay kan ugu sarreeya dhaqaallaha adduunka, maadaama GDP-ga dalkaas uu yahay $18.57-Trillion, sida lagu sheegay warbixin lasoo saaray sannaddii 2016-kii; tiradaas waxa ay ka dhigan tahay in 24.3%-kiiba dhaqaallaha adduunka uu gacanta ugu jiro dalkaas.

Eeg Jaantuska:-  World Bank figures.

waa sawir sharraxaya dhaqaallaha adduunka iyadoo lagu saleynayo GDP-ga dalkaas
Waddanka Shiinaha ayaa kaalinta xigta fadhiya, waxaana lagu sheegay dhaqaallihiisa ama GDP-giisa $11 trillion, taas oo u dhiganta 14.8%-kiiba dhaqaallaha adduunka; dalka bariga fog dhaca ee Japan ayaa kaalinta saddexaad kujira, waxaana lagu sheegay GDP-giisa $4.4 trillion, oo marka adduunka loo eego ka dhigeysa 6%-kiiba in dhaqaallaha adduunka ay iyaga heystaan.

Waddamada Yurub ayaa saddexda kaalin ee xigta soo fadhiistay, Jarmalka ayaa kaalinta afaraad fadhiya, waxaana dhaqaallihiisa lagu sheegay $3.3 trillion, UK$2.9 trillion; halka Faransiisku isna yahay $2.4 trillion.

Dalka India ayaa kaalinta todobaad ka fadhiya kala sarreynta liiskan, GDP-ga dalkaas waxaa lagu qiyaasay $2trillion, kaalinta siddeedaad waxaa soo xirtay dalka Taliyaaniga, kaas oo dhaqaaliiisa lagu sheegay $1.8 trillio; Brazil oo gaajo xun lagu xanto ayaa ku jirta kaalinta sagaalaad ee liiskan, dhaqaallaha guud ee dalkaas waxaa lagu sheegay in uu yahay $1.8 trillion.

Waddanka ugu hoseeya tira koobkan waa Canada, oo GDP-geeda lagu sheegay $1.5 trillion in uu yahay, waxa ayna ka dhigan tahay in dhaqaallaha Mareykan-ka uu ka badan yahay isku geynta kaalinta saddexaad ilaa kaalinta 10-aad ee liiskan.

Eeg Jaantuska hoose.

 The world's biggest economies

Waa shaxda 10-ka dal ee adduunka iyo dhaqaallaha wanaagsan

Waddamada Si Xawliga Ah Dhaqaallo Ahaan U Socda

Ma ballanqaadi karno in Mareykan-ku sii ahaan doono kaalinta koobaad ee waddamada adduunka dhanka dhaqaallaha 20-ka sanno ee soo aaddan; inkastoo Shiinaha uu ka sarreeyo $7 trillion iyo wax kabadan, hadda mar walba cabsi ayaa laga qabaa in Mareykan ka uu kaalintaas fadhiyo, marka la eego sara u kaca dhaqaalle ee Shiinaha uu sameynayo sannadba sannadka xiga.

Shiinaha oo  6.7%-kiiba sara ukac dhaqaalle sameeyay 2016-kii ayaa sidoo kale waxaa barbarkiisa socda oo barratan xooggan kula jira dalka ay isku qaaradda yihiin ee India, kaas oo laftigiisa 6.6%-kiiba sara u kac dhaqaalle sameeyay sannadkii lasoo dhaafay sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay IMF.

Waddanka dhaca qaaradda Koonfur Amerika ee Brazil ayaa  sameeyay saameyn dhaqaalle oo xaddigeedu gaarsiisan yahay 3.5%-kiiba dabshidkii lasoo dhaafay;

Dhaqaallaha Adduunka Iyo Sannadka 2050

Saadaallin cusub oo lasameeyay ayaa sheegeysa in Shiinaha uu noqon doono waddanka koobaad ee adduunka marka loo eego sara ukaca dhaqaalle ee sida xawaarraha ah usocda; mid kasta oo kamid ah waddamada hadda kujira 10-kaalin ee ugu sarreysa dhaqaallaha caalamka Chine ayaa ka dhaqaalle koris badan, waana sababtaas in la sii saadaaliyo in Chine uu adduunka kaalinta koobaad ka noqon doono.

India ayaa kaalinta labaad geli doonta, maadaama ay leedahay dhaqaalle xawaara sarre kusocda oo ka badan waddamada kale marka laga reebo Chine; sida la filayo waddanka hadda kaalinta koobaad kaga jira adduunka ee Mareykan-ka ayaa kaalinta saddexaad u dhici doona, halka Kaalinta afaraadna laga yaabo in ay soo tiigsato waddanka Indonesia.

UK ayaa la filayaa in ay ka dhacdo 10-ka waddan ee adduunka ugu sarreeya dhanka dhaqaallaha marka la gaaro sannadda 2050-ka; Faransiiska ayaa isna laga yaabaa in uusan kasoo muuqan 10-ka xiga, halka Taliyaaniga la filayo in uusan kujirin liiska Top 20-ga.

Dhanka kale waddamada sida xawliga ah dhaqaallahooda uu kusocdo ee kala ah Mexico, Turkey iyo Vietnam ayaa kaalmaha hore isku carriirin kara, mar haddii UK, Faransa iyo Taliyaaniga kabaxayaan kaalmaha hore ee liiskan.

Warbixinnada ayaa sidoo kale sii saadaalinaya in dhaqaallaha guud ahaan waddamada caalamka uu laba jibbaarmi doono marka la gaaro 2050-ka.

Haddaba su’aasha aan idinkaga tagayo waxa ay tahay haddii waddamada caalamka ay sidaas ugu kala barratamayaan kaalmaha hore ee dhaqaallaha adduunka xitaa Nus qarniga soo aaddan, halkee bay Soomaali joogi doontaa marka la gaaro sannadka 2050-ka? adigoo ka shidaal qaadanaya xaaladda uu waddanka kujiro, sidoo kalena ku lifaaqaya rejada laga qabo in Soomaaliya dib usoo kabato, bal malleeyo halkee bay Mari doontaa?

Waxaa Diyaariyay Cabdiwahaab Axmed Cali

C.wahaabyare@gmail.com