Milkiilaha Facebook oo ilmihii labaad u dhashay durbadiina qoraal kula hadlay

Washington (Caasimadda Online) – Ninka asaasay shabakadda arrimaha bulshada ee Facebook Mark Zuckerberg ayaa warqad uu u qorey gabadhiisa yare e hadda dhalatay, wuxuuna kaga codsaday in ay banaanka u baxdo oo ay si xor ah usoo ciyaarto.

Warqadan oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sidoo kale lagu shaaciyey ilmo kale oo u dhashay Mark iyo xaaskiisa Pristcilla Chan.

Waxa ay si qotodheer oga hadleen wanaagga caruurnimada iyo mucjisooyinka ku xeendaaban, taasi oo aanan marnaba nolosha dib kuusoo maraynin mar haddii ay kugu dhaafto si fudud.

“Adduunka waa meel dhabta la wajoho, sidaasi darteed waxaa muhiim in aad waqtigan yaraanta ka faa’iideysato oo aad banaanka kusoo dheeshid” ayay dhaheen Mark iyo xaaskiisa oo warqadda si wadajir ah u qorey.

“Waxaan rajaynayaa in aad ku ciyaartid inta dhab ee laga heli karo guriga iyo agagaarkiisa, kadibna aad hurudid intii macquul ah” ayaa sidoo kale lagu yiri warqadda oo ifineysa waxyaabo ka duwan qaab nololeedka ninkan hantida badan haysta.

Warqad tan ka horeysay oo uu u qorey gabadhiisii hore sanadkii 2015-kii ayaa waxa uu kaga hadlayay dhibaatooyinka ay wajahaan dadka yaryar, balse tan waa mid ka duwan taas hore.

Lammaanahan ayaa balanqaaday in ay lacag ugu yaboohi doonaan hay’adda Chan Zuckerberg si caruuraha la mid ah kuwooda ay si xoriyad ah ugu noolaadaan adduunka.

Warqadahan oo dabcan aysan akhrin karin ilmaha loo qorey, ayaa waxaa loogu talogalay in ay arkaan marka ay weeynaadaan, sidoo kale ay wacyigalin u noqoto dadka inta kale.