Sawiro:  Farmaajo oo booqday Xeebta Liido isagoo sheegay hal arrin oo uu sameyn doono haddii ay Somaliland midnimo qaadaneyso

Muqdisho (Caasimadda Online) – Muuqaallo iyo Sawirro laaga duubay xeebto Liido xilli uu halkaas Madaxweyne Farmaajo kula damaashaaday shacabka ku sugnaa xeebta ayaa noqday sawirro iyo muuqaallo aad u xiiso badan.

Madaxweyne Farmaajo oo si kadis ah Liido ku tagay ayaa isla markiiba waxaa uu dhex galay dhallinyaro kubad ku ciyaaraysay xeebta, waxa uuna kala qayb qaatay ciyaarta, iyadoona ay si wayn ugu sacab-tumaayeen dadka kusoo ururay goobta.

Sawirada kale ee aadka u xiisaha badnaa ayaa ahaa midka wiil yar oo qiyaastii 15 jir ah oo u usoo orday si u madaxweynaha u salaamo, wiilkaan oo ilmaynaayey ayaa Madaxweyne Farmaajo u sheegay in uu maalmo ka hor ka yimid dalka dibaddiisa si uu u soo arko dalka, haatanna lama filaan ay ku tahay in uu la kulmo Madaxweynaha.

Goob lagu shaaho oo ku taalla Liido ayaa ka mid ahayd goobaha uu Madaxweyne Farmaajo galabta Shacabka kula kulmay, isagoona su’aalahooda iyo aragtidooda ka dhagaystay. Gabar goobta ku sugnayd ayaa tiri: horta Madaxwyne imisa jir baa tahay?

Madaxweyne Farmaajo  ayaa ugu jawaabay 20 lagu diray 35 waxayna noqotay jawaab ay si wayn ugu qoslaan dadkii ku sugnaa Maqaayaddaas.

Maalmahaan waxaa aad u sii kordhaaya dhaq dhaqaaqa  ka jira xeebto Liido ee Magalada Muqdisho, halkaas oo ay si wayn galab kasta u buux dhaafiyaan boqolaal shacabka.

Dadka ku nool Gobolka Benaadir ayaa si aan horay u dhici jirin ugu damaashaad tagaaya maalmahaan xeebta Liido, waxaanna loo sababaynaaya Fasaxa ciidda ee haatan la galay iyo Amniga magaalada oo si wayn usoo hagaagaaya tan iyo markii uu bilowday hawlgalka xasilinta Caasumadda.

Hadalkii ugu xiisaha badnaa oo uu Madaxweynaha ka sheegay Xeebta Liido ayaa aheyd inuu kursigiisa u baneyn doono Somaliland, haddii ay Soomaaliya wax la qeybsaneyso oo la helayo midow iyo Soomaali weyn.