Puntland oo ka walaacsan dagaal Gaalkacyo ka dhaca iyo digniin…

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa walaac ka muujiyay in colaad laga dhex abuuro shacabka ku nool magaalada Gaalkacyo ee kasoo kala jeeda deegaanada waqooyiga iyo koofurta magaalada Gaalkacyo.

Maxamed Yaasiin Axmed gudoomiyaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa sheegay in la doonayo in colaad laga dhex abuuro shacabka ku wada nool magaalada Gaalkacyo, isagoo sheegay in darawalada gaadiidka ka dhex shaqeeya magaalada ay bilaabeen iney dadka barakiciyaan.

Gudoomiyaha oo saxaafada kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in darawadalada qaarkood ay sheegeen in magaalada lagu dhex dagaalami rabo, maadaama dhawaan dagaal uu ka dhacay duleedka magaalada Gaalkacyo kaasi oo u dhaxeeyay maleeshiyaad kasoo kala jeeda Galmudug iyo Puntland.

“Gaadiidley hunguri raadis ah ayaa shacabkii been u sheegaya, waxay leeyihiin waa la dagaallami rabaa ee magaalada ka carara, gaariga aan ku qabanno Koontaroolka isaga oo dad qixinaya waxaan dul dhigi doonnaa lacag ganaax iyo xarig intaba” ayuu yiri gudoomiyaha Gaalkacyo ee Puntland.

Shalay ayaa la arkayay sawiro muujinaya gaadiid dad qixinaya, waxaana ay arinta ka dambeysay kadib markii xabado yar laga maqlay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com