Qaraxii ugu yaabka badnaa abid oo ka dhacay wadanka Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxaani oo inbadan ka duwanaa Qaraxyadii ka dhici jiray dalka Kenya ayaa waxaa lala eegtay gaari nooca gurmadka oo siday ruux bukaan ah, kaasi oo uu ka dhashay khasaarooyin kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac.

Gaariga siday bukaanka ee Qaraxa lala eegtay ayaa xiligaasi kusii jeeday degmada Lamu ee dalka Kenya.

Qaraxa lala eegtay gaariga ayaa waxaa ku dhintay mid kamid ah dadkii la socday bukaanka, halka sidoo kale uu dhaawac culus soo gaaray qof kale oo gaariga la socday.

Mid kamid ah Saraakiisha Booliska Lamu, ayaa xaqiijiyay in qofka bukaanka ah ee lagu waday gaarigaasi laga soo qaaday gudaha Somalia, waxa uuna Sargaalku sheegay in Qaraxa noocaani ah uu yahay mid ku cusub oo aysan horay u arag.

Saraakiisha Booliska ayaa ku doodeysa in Qaraxa haleelay gaariga bukaanka siday uu ahaa mid horay loogu xiray Qaraxa, halka qaarna ay sheegayaan in Qaraxa uu ahaa mid loo aasay.

Sargaalka Taliska Booliska Kenya u qaabilsan degmada Lamu ayaa sheegay in weerarka noocaani ah uu yahay mid aan horay loo arag waxa uuna sheegay in Qaraxyadii hore ay ahaan jireen kuwo toos ah oo lala eegto gaadiidka ciidanka, balse Qaraxaani uu yahay mid lala eegtay gaari bukaan siday.

Dhinaca kale, Saraakiisha ayaa cadeysay in Qaraxa uu yahay mid khasaaro dhaliyay balse ay wadaan baaritaano lagu ogaanaayo waxa uu ahaa gaariga bukaanka siday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@liv.com