Xog: Dhismaha aqalka sare ee BF oo ay u badan tahay in la laalo

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhismaha aqalka sare ee baarlamanka Soomaaliya ayaa laga yaabaa in la laalo, arrimo dhowr ah oo is-biirsaday dartood, Caasimada Online ayaa ogaatay.

Waxaa socda wada-hadallo hoose oo u dhaxeeya madaxda madasha qaranka oo arrintan ku aadan, ayada oo xubnaha qaar ay doonayaan in aqalka meesha laga saaro, maadaama uu noqday caqabad haysata in la gudo galo doorashooyinka qaranka ee 2016.

Arrintan ayaa waxaa si aad ah u doonayaa madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Cabdikariim Guuleed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo diidan xubnaha dheeriga ah ee la siiyey Puntland.

Waxaa sidoo kale qorshahan taageersan beelaha Hawiye iyo kuwa Dir oo caddaalad darro baahsan ay uga muuqato arrintan.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegeysa in beesha caalamka ay ka caga jiideyso inay bixiso dhaqaalaha ku baxaya aqalka sare taasi oo xaaladda sii cakireysa.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo beelo badan ay farqaha ku dheggan yihiin, ayaan weli uusan caddeyn mowqifkiisa, waxaase wararku ay sheegayaan in haddii uu ku biiro dhinacyada diidan ay keeni karto in aqalka sare uu meesha ka baxo.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa doonayaa in aqalka sare aan meesha laga saarin, balse haddii beesha caalamka ay diido inay bixiso dhaqaalaha ku baxaya dhismihiisa waxay taasi keeni doontaa in looga adkaado loolankan.

Haddii aqalka sare uu meesha ka baxo, waxay noqon doontaa oo kaliya sanadkan, waxaase la filayaa in la dhiso 2020.

Go’aanka rasmiga ah ayaa la filayaa in lagu gaaro kulanka xubnaha madasha ee 7-da bisha September.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com