Puntland oo ku amartay toogasho ciddii aan isku dhiibin ciidamadooda

Garowe (Caasimada online) – Maamulka Puntland ayaa toogasho ku amray ciddii ka hor timaada ciidamada maamulka Puntland oo xaqiijinaya amaanka magaalada Garowe.

Wasiirka amniga maamulka Puntland ayaa sheegay inay dhiseen gudiga amniga oo ka shaqeeya amaanka magaalada Garowe oo maalmahaan ay kusoo badanayeen falalka amni darada la xiriira.

Wasiirka wuxuu sheegay in ciidamada Puntland amar lagu siinayo inay toogtaan ruuxii amni daro waddo oo aan isku dhiibin ciidamada maamulka Puntland, sida uu ka sheegay kulan ka dhacay magaalada Garowe.

Cabdi Cali Xirsi Qarjab, ayaa tilmaamay in xiligan la joogo ay tahay xili abaar ah oo aan loo baahneyn in laga shaqeeyaa dhibaateynta dadka shacabka ah, sidaasi daraadeedna ay soo saareen guddi amaanka Garowe Xaqiijiya.

Waxaa maalmihii ugu dambeeyay Garowe ku badanayay dadka dhaca u geysanaya shacabka magaalada Garowe, iyadoo cabasho badan kadib la sameeyay guddi amni oo amaanka xaqiijiya.

Howlgallo xooggan ayaa dhawaan ka bilaaban doona deegaanada Puntland gaar ahaan Magaalada Garoowe, sida uu sheegay wasiirka amniga Puntland Mr Qarjab.

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
Caasimada@live.com