Puntland oo ku dhawaaqday tallaabo ay qaaday kadib qaraxii ka dhacay Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Bari ee Puntland, Cabdirisaaq Cali Siciid Shaahdoon oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay qaraxii Sabtidii ka dhacay magaalada Boosaaso.

Guddoomiyaha ayaa marka hore ka tacsiyeeyay Nabadoonadii ku dhintay qaraxii ka dhacay magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka, isaga oo Alle uga baryey in uu caafiyo inta ku dhaawacantay.

Waxa uu sheegay in laamaha amniga ay bilaabeen howl-galo lagu xaqiijinayo amniga, islamarkaana ay ku daba jiraan dadkii ka dambeeyay qaraxaas, oo ay gacanta kusoo dhigi doonaan.

“Maalin walba haddii uu qarax dhaco waxba inaga hari maayo, dadkii ugu qiimaha badnaa ayaa ku dhimanaya maalin kasta, bulshada kama bixi karaan dadkaas. Ilaahay waxaa ka baryeyna in dib dambe u dhicin,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu ku booriyay bulshada kunool gobolka Bari, gaar ahaan magaalada Boosaaso looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan xoojinta Amniga iyo la-shaqeynta laamaha Amniga si loo helo nabad-buuxda.

Hadalka Guddoomiyaha ayaa imanaya xili maalmihii u dambeeyay ay magaalada Boosaaso ku soo badanayeen qaraxyada, kuwaas oo lagu beegsanayo mas’uuliyiin, saraakiisha ciidammada iyo dad rayid ah.