CC SHAKUUR oo shaaciyey xogta $16 milyan oo lagu qaatay heshiiska shidaalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdiashakuur Warsame oo ka hadlay heshiiskii uu wasiirka batroolka Soomaaliya u saxiixay shirkad shidaalka baarta ayaa soo bandhigay xogo hor leh oo ku saabsan lacagtii lagu kala qaatay heshiiskaas.

Cabdiraxmaan Cabdiashakuur oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in shirkadda Coastline Exploration Ltd oo laga leeyahay dalka Mareykanka ay ka heleen xogta heshiiskaas, isla markaana ay ogaadeen in lagu kala qaatay 16 milyan oo dollar.

Waxa uu sheegay in todoba Ceel oo ah kuwii ugu muhiimsanaa ceelasha shidaalka ee Soomaaliya lagu saxiixay min laba milyan oo dollar, taas oo tirada lacagta ceelashaas lagu kala qaatay ka dhigeysa 14 milyan, sidoo kale waxa uu sheegay in dhinacyadii Soomaalida ahaa ee ka soo shaqeeyey fududeynta heshiiskaan ay qaateen 2 milyan oo dollar.

Tirada guud ee lacagta ku baxday heshiiskaas ayaa ah 16 milyan oo dollar, sida uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, isagoo madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey in heshiiskaas uu door firfircoon ku lahaa.

“Wasiirkii waxa uu sheegay in Madaxweynaha uu la ogaa heshiiskaas, sida aad ogtihiina wax kasta inta sameeyo ama amro ayuu iska fogeeyaa Farmaajo, balse waa cadahay in isagu uu diray wasiirka saxiixay heshiiskaas,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale waxa uu ku taliyey in xogta heshiiskaas iyo ceelashii la saxiixay ay xukuumaddu la soo wareegto oo laga qaado raggii isku deyey inay lunsadaan, “Hantidhowraha guud, Garyaqaanka guud iyo xukuumadda waxaan ka rabnaa inay cadeeyaan mowqifka ay ka taagan yihiin arrintaan,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Waxa uu sheegay in qorshaha dhinacyada Soomaalida ah uu ahaa in heshiiskaas aan la baahin, balse shirkadu ay ku qasbanaatay inay baahiso oo Website-keeda ku daabacdo inay Soomaaliya heshiis shidaal la gashay, afar maalmood kadib markii la kala saxiixday heshiiska.

Sababta ku kaliftay in shirkadu ay baahiso heshiiskaan ayuu Cabdiraxmaan ku sheegay in shirkaddu aysan awood u laheyn inay shidaalka qodo, balse ay dooneyso in shirkadaha waaweyn ee shidaalka baara ay tartan u qabato si shirkadii guuleysata ay uga gadato xirmooyinka ay u saxiixday Soomaaliya.

Hoos ka daawo