Puntland oo ku dhowaaqday go’aan cusub kadib mowqifkii SSC ee doorashada

Garoowe (Caasimada Online) – Xukuumadda Madaxweyne Saciid Deni ayaa markii u horeysay ku dhowaaqday go’aan ka gedisan kuwii dhawaan kasoo baxay Isimada dhaqanka SSC ee ku shaaciyeen in aysan qayb ka noqon doonin doorashada maamulkaas, ayna isaga baxeen.

Xukuumadda Deni ayaa sheegtay in doorashada Xildhibaannada aysan waxba iska beddeli doonin, ayna Isimida dhaqanka SSC ay soo xuli doonaan, maadaama aan weli si rasmi ah loo guda galin kala gurashada labada maamul.

“Kala bixidda labada dhinac ayaa waxaa loo mari doona hannaan waafaqsan sharciga iyo nidaamka, taasi oo aan hal maalin ku dhammaan karin,” ayuu yiri Wasiirka Caddaalada Puntland, Maxamed Cabdiwahaab Axmed.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in hannaanka kala bixista Puntland iyo SSC-Khaatumo uu bilaaban doono doorashada kadib, balse hadda la soo xuli doono xildhibaannadii SSC, iyada oo loo marayo habraacii saxiixa isimada ama cuqaasha degaanka.

“Rabitaanka dadka SSC iyo nidaamka dastuuriga ah ayaa la is waafajinaya. 17-ka xildhibaan waa la soo xulaya, garaadada laftooda soo xulaya ama cuqaasha soo xulaysa, habraacii loo mari jiray ayaana loo maraya,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka.

Isimada Dhaqanka ee SSC-Khaatumo ayaa dhawaan soo saaray go’aanno culus oo ay ku shaaciyeen inay uga baxeen Puntland, maadaama ay dhisteen maamul gooni ah oo madax-bannaan.

Bayaanka ayaa waxaa lagu sheegay in aysan ka qayb-geli doonin doorashada ka dhaceysa Puntland, iyagoo sheegay in aysan soo xuli doonin 17-kii xildhibaan ee ay horay ugu lahaayeen.

“Waxaanu goosanay in 17-ka xildhibaan aan la qorin oo aynan ka qayb-gelin doorashada Puntland ka dhaceysa,” ayaa lagu yiri bayaanka SSC-Khaatumo.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Waxaan kale oo aan goosanay in aysan jirin kuwo jooga oo la cusbooneysiinayo, taas oo micnaheedu noqoneyso wax reer Khaatumo ah oo xildhibaano ah oo ka qayb-galayaa doorashada Puntland bataatan inayna jirin.”