Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya cabashada ka imanaysa shaqaalaha hay’adaha dowladda Puntland, kuwaas oo sheegay in lagu hayo cadaalad-darro iyo xaq duudsi ay kula kaceen qaar ka mid ah wasiirrada iyo agaasimayaasha maamulka.
Shaqaalahan oo intooda badan ah dhalinyaro ka tirsan hay’adaha kala duwan, waxay muujinayaan inay ka quusteen helitaanka cid u garsoorta ama difaacda xuquuqdooda.
Musuq-maasuqii u darnaa ayaa haatan wuxuu ka taagan yahay Wasaaradda Beeraha Puntland, iyadoo sideed bilooad aysan wax mushaar ah helin shaqaalaha ka tirsan qaybta Ayaxa ee wasaaradda Beeraha, gaar ahaan kuwa ka howl-gala magaalooyinka Garoowe iyo Qardho.
In ka badan 35 shaqaale ayaa muddo ku dhow sideed bilood la’ mushaharkoodii iyo gunadii shaqada, iyagoo weliba si buuxda uga shaqaynayay hawlaha loo igmaday. Qaar ka mid ah shaqaalahaas ayaa si cad u sheegay in aysan helin wax jawaab ah oo ku saabsan cabashadooda, inkastoo ay la xiriireen masuuliyiinta ay khusayso.
Mushaharka ay la’yihiin shaqaalahani ayaa qofka uga yar wuxuu bishii heli jiray 250 dollar, halka qofka ugu badana uu qaadan jiray 1500 oo dollar. Wasiirka Beeraha Puntland, Mudane Doonyaale iyo madaxda qaybta mashruuca Ayaxa ee wasaaradda ayaa lagu eedeeyay in aysan xitaa u jawaabin fariimaha shaqaalaha cabanaya.
Dhibaatada dhaqaale ee haysata shaqaalahan waxay gaartay heer aad u daran. Qaarkood oo qoysas leh waxaa loo haystaa kirooyin, kuwa korontada iyo biyaha ayaa laga goostay, bakhaarada raashinkana daymo ayaa lagaga leeyahay. Inkastoo ay yihiin dad si rasmi ah shaqo ugu jira dowladda, haddana nolol ahaan waxay u muuqdaan sidii dad aan wax shaqo ah haysan.
Shaqaalaha qaar waxay sheegeen in marka horeba heshiiska shaqo ku galeen balan-qaad ah in mushaarkooda si joogta ah u heli doonaan, taasoo noqotay been la’isku halayn karin. Tani waxay muujinaysaa sida uu u liito nidaamka maaraynta shaqaalaha ee wasaaradaha Puntland qaarkood, taasoo ka dhigaysa hay’adaha maamulka meel aan lagu kalsoonaan karin.
Si kastaba, arrintan ayaa qeyb ka ah musuq-maasuqa baahsan ee ka jira gudaha maamulka Puntland, iyadoo shaqaalaha dowladda aysan si joogto ah u helin mushaarkooda, halka qaarkood wax mushaar aysan helin tan iyo daba-yaaqada sannadkii hore.