Puntland oo la siiyey 3-da wasaaradood ee go’aamin kara mustaqbalka Somaliya iyo halista ka dhalan karta

Muqdisho (Caasimadda Online) – Liiska golaha wasiirada ee uu Ku dhawaaqay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa lagu arkay arrin aysan dadka intooda badan ku baraarugsaneyn oo ah in maamul Goboleedka Puntland la siiyey seddex wasaaradood oo muhiim u ah mustaqbalka Soomaaliya taasoo ay ka dhallan karaa dhibaatooyin badan.

Seddexda wasaaradood ee Puntlad la siiyey ayaa waxay kala yihiin:

1 – Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka iyo dib u heshiisnta oo loo dhiibay Cabdi Faarax Juxa, oo kasoo jeeda Ciise Maxamuud

2 – Wasaaradda Dastuurka waxaa la siiyey Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil, oo beesha Leelkase u dhashay.

3- Wasaaradda Qorsheynta qaranka oo loo dhiibay waxa la siiyey Jmaal Maxamed Xasan oo Warsangeli Daarood ah.

Haddaba seddexdaas wasaaradood ee la siiyey Puntland waxaa hoos imaanaya:

–  Arrimaha Federaalka, oo wasaaradda arrimaha gudaha ay maamuli doonto.

– Tira koobka Shacabka, oo ay qaabilsan tahay wasaaradda qorsheynta.

– Dastuurka, oo wasaaradda dastuurka ay mas’uul ka tahay.

Dad badan oo ka faaloo arrimaha siyaasadda Soomaaliya iyo halka ay ku dambeyn doonto ayaa ka dooday isla markaasna soo bandhigay halis weyn oo arrintaas ka dhallan karto, waxayna fikirkooda lasoo wadaageyn Caasimadda Online iyagoo soo jeediyey dhawr halis oo arrintaan ka imaan karto oo ay kamid yihiin kuwa soo socdo:

  • Waxaa ka dhallan karto in lasoo saaro tiro koob u eexan karo maamulka Puntland maadaama ay horey u qaadacday tiroboobkii ay horey u sameysay dowladdii waqtigeeda dhamaaday ee uu hoggaaminayey Xasan Shiikh Maxamuud/
  • Maamulka Puntland ayaa laga warqabaa inay dhawr jeer si weyn uga soo horjeesteen dastuurka Soomaaliya isla markaasna ay qaadaceyn qodobo badan oo ku jiro, arrintaana waxay keeni kartaa in dastuurka uu u janjeersamo dhanka Puntland isla markaasna ay ku qoraan waxa ay ku qanacsan yihiin.
  • Sidoo kale arrinta ugu halisan ayaa ah inay keeni karto in Puntland loogu eexdo xuduudeynta Gobolada, gaar ahaan xuduudda muranka badan ka dhalatay ee u dhaxeyso Puntland iyo Maamulka dhawaan la dhisay ee Galmudug.

Hadal heynta ugu badan ayaa noqoto sababta keentay in seddexdaan wasaaradood oo go’aan karo mustaqbalka Soomaaliya gacanta loo geliyo Puntland, Ma wax isku aaday baa mise  waa Qorshe lasoo abaabulay.

Qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo lasoo xiriiray Caasimadda Online ayaa tilmaamay inaysan iyagu garaneyn sababta keentay in 3 wasiir oo mustaqbalka Soomaaliya ku xiran la siiyo hal maamul,  waxayna talo ahaan usoo jeediyeen in seddexdaas wasaaradood la kala siiyo Seddex Maamul Goboleed taasoo looga badbaadi karo caqabadaha ka dhallankaro arrintaan.

Xildhibaanada ayaa Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ka codsaday inuu go’aankaas ka fiirsado isla markaasna uu fiiriyo awood qeybsiga maamul Goboleedyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com