Puntland oo maanta aad looga hadal hayo dhacdo xanuun badan

Garowe (Caasimada Online) – Dhacdo naxdin leh ayaa ka dhacday deegaanka Weyla Liq oo ka tirsan Godobjiiraan ee gobalka Nugaal, Puntland, kadib markii wiil dhalinyaro ah uu dilay Gabar uu jeclaa, kadibna isaga is dilay.

Wiilkan oo lagu magacaabi jiray Mahad Maxamuud Maxamad ayaa wuxuu dilka gabarta uu jeclaa u adeegsaday Xabad, taasoo iyadana lagu magacaabi jiray Shiino Axmad Maxamad.

Dhacdadan oo naxdinta leh oo ka dhacday halka loo yaqaan Weylo Liq oo 22 Km u jirta deegaanka Godobjiiraan, iyadoo arintan ay ka argagaxeen dadka deegaanka.

Wiil la dhashay gabadha la dilay oo lagu magacaabo C/fitaax Axmed Maxamed ayaa sheegay in wiilka walaashiis dilay isna is dilay uu ahaa wiil jaclaa gabadha isla markaana usoo bandhigay in ay isguursadaan hase ahaatee ay ka diiday kadibna uu dilay.

“Wiilka gabadha isagaa jeclaa,wuxuuna ku yiri waan ku jeclahay,waxaana rabaa in aan ku guursado,balse gabadhii ayaa ka diiday,waxa uuna ku yiri waan ku dilayaa,kadibna qori uu watay ayuu ku dilay, kadibna isagaa is dilay” sidaasi waxaa yiri gabadha walaalkeed oo lagu magacaabo C/Fitaax Axmad Maxamad.

Gudoomiyaha Godobjiiraan C/casiis Cismaan Cabdulle ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid naxdin leh oo dadka deegaanka ay ka argagaxeen.

Dhacdadan ayaa ah mid dhif iyo naadif ku ah bulshada dhexdeeda, iyadoo mudooyinkan danbe dhacdooyinkaasi iyo kuwo la mid ah lagu arkayay gudaha dalka.

Isha: Warfaafiye.com