DHAGEYSO: BARRE Hiiraale oo helay gurmad kuna wajahan KISMAAYO

Kismaayo (Caasimada Online) – Saraakiisha Ciidamada Barre Hiiraale ee ku sugan magaalada Goobweyn ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa ka warbixiyay isbadal iyo diyaargaroow ay ugu jiraan sidii ay markale Kismaayo ku tagi lahayeen sida uu sheegay Dr Xasan Qaasim Warsame oo ah Afhayeenka Barre Hiiraaale.

Waxa uu afhayeenka sheegay in ay wadaan diyaar garow ku aadan sidii ay u xoojin lahayeen awoodooda ciidan iyada oo ay soo gaareen Ciidamo xoogan oo ka yimid gobolka Gedo kuwaas oo sida uu sheegay horudhac u ah ciidamo kale oo ka soo socda qeybo ka mid ah gobolka Gedo.

Afhayeenka ayaa wax laga xishoodo ku tilmaamay hadal ka soo yeeray Nin uu sheegay inuu ku sugan yahay magaalada kismaayo oo sheegay in ay heshiis gaareen iyaga iyo Axmed Madoobe Kismaayana ay Nabad ku soo galayaan.

“Waa naqaana ninkaas waxa uuna joogaa Kismaayo waxa uu ka tirsan yahay Maleeshiyaadka Raasgambooni waxaana la dhahaa Hebel Waraabe waligiisna ciidankeena kama mid noqon hadii warbaahinta been loo gudbin karo inaga ayaan yeelayn in been nalaga sheego waana beenaale sumcada iska lumiyay oo aan cidna wax ka qaadayn” ayuu yiri Dr Xasan Qaasim Warsame.

Halkan ka dhageyso wareysiga

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com