Dilka mas’uul caan ahaa oo lugaha la galay ciidanka Axmed Madoobe

Kismaayo (Caasimada Online) – Nabadoon Salaad Jaamac Warsame oo ka mid ah nabadoonada gobolka Galgaduud ayaa ka hadlay dil shalay barqadii magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose loogu geystay Nabadoon lagu magacaabi jiray Alla ha u naxariistee Nabadoon Nuur Colaad Gama’diid.

Nabadoon Salaad Jaamac Warsame oo ku sugan degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa dilka Nabadoon  Nuur Colaad Gama’diid ku eedeeyey  iney ka danbeeyeen ciidamada Maamulka Jubba ee gacanta ku haya magaalada Kismaayo.

Isaga oo la hadlayey Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayuu Nabadoon Salaad Jaamac sheegay iney og yihiin in ciidanka maamulka Jubba ay masuul ka ahaayeen dilka Nabadoon Gama’diin oo uu sheegay inuu ka mid ahaa dadka sida weyn deegaanka looga yaqaan oo ka mid ahaa ganacsatada iyo waxgaradka deegaanka

Wuxuuna tilmaamay inuu dilku dhacay kadib markii ciidamada maamulku ay arkeen Nabadoonka oo ku sugnaa xaafad uu sheegay inuu qof Bukaana oo eheladiisa kamid ahaa ku booqday,wuxuuna sheegay in ciidanka maamulka oo watay gaari nuuca gaashaaman ah iyo tuutaha lagu yaqaan ay goobta ugu tageen kadibne ay toogteen.

Salaad Jaamac Warsame ayaa waxaa la weydiiyey waxa uu ku caddayn karo in dilka Nabaoonka ay ka danbeeyeen ciidamada maamulka Jubba,wuxuuna sheegay iney hayaan cadaymo muujinaya iney iyagu ka danbeeyeen,isagoona tibaaxay iney goob fagaaro ah dharaar cad si bareera ugu dileen Nabadoonka taasine ay marqaati ma doonto tahay sida uu sheegay.

Nabadoon Salaad Warsame ayaa intaa ku daray in Nabadoonka la dilay maalmahan danbe ay soo gaarayeen Hanjabaado ku aaddan in la dili doono,wuxuuna tacsi u diray Ehelada,Saaxiibada iyo Qaraabadii uu ka baxay.

Afhayeenka maamulka kumeelgaarka ah ee Jubba C/naasir Seeraar oo wax laga weydiiyey eedda loo jeediyey isaga oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa ku gaabsaday inuu xiriir la samaynayo masuuliyiinta maamulka ee ku sugan gudaha Kismaayo kadibne uu ka hadli doono arintan.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo