PUNTLAND oo war xasaasi ah kasoo saartay dagaalka Boosaaso, kuna celisay in..

Boosaaso (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa markale looga hadlay xiisadda dagaal ee haatan ka taagan magaalada Boosaaso, taas oo u dhexeyso ciidamada maamulkaasi iyo kuwa PSF-ta.

Puntland ayaa qoraalkan ku sheegtay in agaasimihii xilka laga qaaday ee hay’adda PSF uu hurinayo colaad ka dhacda Boosaaso isla-markaana uu hoobiyeyaal la dhacayo magaalada.

Sidoo kale waxay Puntland shaaca ka qaaday inay marweliba ka go’an tahay illaalinta dowladnimada iyo sarreunta sharciga.

“Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxaa mar wal ba ka go’an illaalinta dowladnimada ku dhisan sareynta sharciga. Dowladda Puntland waxay caddeynaysaa in Agaasimihii hore ee PSF uu hurinayo colaad ka dhacda Magaalada Boosaaso, asagoo si aan kala sooc lahayn Magaalada ugu duqeynaya hoobiyaal ka mid ah hantida PSF ee laga sugayo inuu xilkeeda wareejiyo,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

Qoraalkan ayey sidoo kale madaxtooyada Puntland ku sheegtay inay dooneyso in si nabad ah lagu dhammeeyo xiisadda ka dhalatay xil wareejinta agaasimaha hay’adda PSF-ta.

Ugu dambeyn Puntland ayaa ku celisay inay waqti siineyo dadaallada nabadeed ee haatan socda, isla-markaana ay dhankeeda qaadeyso wixii tallaabo ah oo lagu fududeyneyo.

“Haddaba, si loo dhiirigeliyo sidii xal nabadeed loogu dhammeyn lahaa xaaladda xil wareejinta masuuliyadda iyo hantida PSF, Dowladda Puntland waxay ku celinaysaa in ay wakhti siinayso dadaalada loogu jiro in si nabad ah lagu dhammeeyo xaaladda Boosaaso, Dowladduna waxay qaadaysaa wixii tillaabooyin lagu fududeynayo dadaalada socda,” ayaa markale lagu yiri qoraalka ka soo baxay hoggaanka ee sare ee maamulka Puntland.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo horay PSF-ta qoraaal ay soo saartay ku sheegtay in la soo weeraray ciidamadooda, isla-markaana ay ku jiraan is difaacid, aadna ay uga xun yihiin waxyeelada shacabka iyo barakacooda, waxayna mas’uuliyadda saareen Puntland.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii