ROOBLE oo la rabo in lagu furo dacwad si looga joojiyo hoggaanka xukuumadda

Muqdisho (Caasimada Online) –  Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble wuxuu galay wajigii labaad ee dagaalka isaga, Farmaajo iyo Fahad Yaasiin. Tan iyo markii uu Rooble isku dhigay kursiga Yaasiin Farey oo uu diiday inuu gudbo, dhinaca madaxweyne Farmaajo waxay cabeysteen dagaal cusub.

Marxaladda koowaad waxay xoog iyo xoolo geliyeen in guddiga xalinta khilaafaadka uu fasaxo kursiga Yaasiin Fareey waana ku guuleysteen, laakiin Ra’iisul Wasaare Rooble oo la sheegay inuu helay caddeymaha sida musuq maasuqa leh ee loo maareeyey Kursigaas wuxuu 7 xubnood ka eryey guddigii xalinta khilaafaadka.

Markii uu soo baxay go’aanka Ra’iisul Wasaaraha waxay kooxda madaxweyne Farmaajo ku cadaadiyeen guddigii inay ka horyimaadaan go’aanka Ra’iisul Wasaaraha, waa sameeyeen guddiga shaqadaas laakiin cidna uma joojin hadalkooda.

Kadib waxay u dhaqaaqday kooxda madaxweyne Farmaajo inay isticmaasho guddiyada doorashada ee heer maamul Goboleed iyo midka heer Federaal, waxay ku cadaadiyeen inay soo jeediyaan in doorashada la joojiyo, waxaana warqad soo saaray guddoomiyaha guddiga doorashada ee heer Federaal Maxamed Xasan Cirro isagoo xiganaya guddoonka guddiyada heer maamul Goboleed.

Markii ay soo baxday warqaddaas lagu joojinayo doorashada waa la is-qabsaday, waxaa iska dafiray inta badan guddiyada doorashada ee heer maamul Goboleed marka laga reebo guddiga maamulayo doorashada Galmudug.

Ninka madaxda ka ah guddiga maamulayo doorashada Galmudug iyo ninka madaxda ka ah guddiga doorashada heer Federaal labadaba waxaa lagu eedeenayaa inay toos uga amar qaataan Agaasimihii shaqada laga eryey ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo isaga la sheegay inuu go’aansaday inuu doorashada joojiyo wax walba oo ay ku qaadato.

Markii qorshaha guddiyada shaqeyn waayeen waxay kooxda madaxweyne Farmaajo adeejiyeen Taliyaha ciidamada Badda oo isaga meel fagaare ah ka aflagaadeeyey Ra’iisul Wasaarihii Dalka, isagoo haddii uu wax gudbinayo awoodo inuu marsiiyo hannaanka Dowladda.

Waxaa isna warqad soo saaray wasiirka Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka ah Xasan Xuseen Xaaji, warqaddaaan oo sax ahaanshaheeda ay inoo xaqiijiyeen xubaha xukuumadda Federaalka ah wuxuu wasiirka Taliyaha ciidamada Xoogga Dalka ku amrayaa in arrintaan la baaro kadiba uu tallaabo qaado.

Arrinta la baarayo waa kiiska Dhulka ee Taliyaha Badda ku eedeeyey Ra’iisul Wasaaraha. Wasiir ayaa amraya in la baaro Ra’isul Wasaarihiisii. Farmaajo iyo kooxdiisa ayaa la sheegay inay isticmaaleen Wasiirka Gaashaandhigga.

Sida muuqata Ra’iisul wasaare Rooble waxaa kusoo socota dabeyl xoog leh haddii uusan qaadin tallaabooyin deg deg ah oo ay dhacdo in yadda lagala hormaro wixii uu dib ka sheego macno ma sameyn doonaan ayey leeyihiin dadka isha ku haya dagaalkaan cusub.

Farmaajo iyo kooxdiisa hadda waxay jiraan dhanka maxkamadaha iyo xeer ilaalinta, waxay isku dayayaan in Rooble lasoo eedeeyo kadibna uu Farmaajo soo jeediyo inuusan xukuumadda hoggaamin karin inta ay dacwadda ka dhamaneyso oo uu Mahdi Guuleed sii wadi doono shaqada.

Haddii ay tallaabadaas qaadaan waxaa u sawiran inay doorashada istaagi doonto, Rooble fadeexoobi doono uuna baaqan doono shirka Golaha Wada-tashiga Qaran oo uu Farmaajo ka walaacsan yahay in lagu burburiyo labada deegaan doorasho.

Intaa halkaas la gaarin dad badan waxay qabaan inay Ra’iisul Wasaare Rooble u furan tahay inuu eryo dhammaan wasiirada howshaan ku lugta leh, sidoo kalana uu shaqada ka qaado Taliyaha ciidamada Badda uuna maxkamad u diro. Haddii uusan Rooble dhiirran isagaa noqon doono ninka dhaxalkiisa la qeybsado.

Kooxda madaxweyne Farmaajo waxay fahamsan yihiin in awoodoodii guddiyada la wiiqay shaqada kuraasta reer Woqooyigana aysan sida ay rabeen u socon, sidoo kalana ay adkaan doonto in Fahad, Kulane, Cabdiraxmaan Dheere iyo dhammaan xubnaha Farmaajo madaxiisa u dakaneysay inaysan kuraas soo qaadan karin oo Rooble Ragga qaar jidka u taagan yahay.

Sidaas darteed, hadda waxay isku diyaarinayaan inay abuuraan xaalad burburin karta doorashada oo dhan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii