Wasiirka Gaashaandhigga Somalia oo si cad u sheegay cidda uu amray in la baaro

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa fasiraad ka bixiyey warqadda shalay uu soo saaray oo uu kaga hadlay boobka la sheegay in lagu hayo dhulka Ciidamada Badda.

Wasiirka ayaa caddeeyay in warqaddii shalay ka soo baxday Xafiiskiisa ay ujeedadeedu aheyd in baaris rasmi ah lagu sameeyo hadalkii gafka ahaa ee ka soo yeeray Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka.

Wasiirka ayaa hadalka Taliyaha Ciidanka Badda ku tilmaamay inuu ahaa hadal ka baxsan  nidaamka iyo anshaxa uuna u gafay Ra’iisul Wasaaraha.

“Haddaba waxaan Ummadda Soomaaliyeed la socodsiinayaa  in baaristu ay quseyso oo kaliya sarkaalkaas shacabkana la socon doonaan gunaanadka falka uu ku kacay sarkaalka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasiirka.

Si kastaba, hadalkii horey ee wasiirka ayaanay meelna uga jirin in la baaro taliyaha, balse waxay taas beddelkeed taliyaha ku amreysa inuu isaga sameeyo baaritaan.

“Waxaa warbaahinta lagu faafiyey muuqaalo la sheegay in laga soo duubay Taliyaha ciidamada Badda kaasoo ku eedeenayo madaxda Qaranka oo uu Ra’isulwasaaraha kamid yahay inay ku lug leeyihiin dhulka Ciidanka Badda ee loo adeegsaday arrimo shaqsiyadeed, waxaa lagu farayaa taliye inaad baaritaan deg deg ah ku sameysid arrintaan, sidoo kalana aad ka qaadatid tallaabo waafaqsan shuruucda dalka iyo xeerka ciidanka Xoogga dalka,” ayuu shalay yiri wasiirka gaashaandhigga.

Fasiraada cusub ee wasiirka Gaashaadhigga ayaa kusoo aadeys xilli baraha bulshada lagu faafiyey in warqadda wasiirka iyo baarista uu dalbaday ay ka dhan tahay Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Rooble ayaa la rumeysan yahay inuu wajahayo olole cusub oo la rabo in lagu ceebeeyo oo ka imanaya dhanka madaxweyne Farmaajo.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Wasiirka

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii