ODAWAA oo magacaabay guddi baara kiiska dhul-boob ee lagu eedeeyey ROOBLE

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa magacaabay guddi baar boobka la sheegay in lagu sameynayo dhulka ciidamada badda Soomaaliya, oo dadka lagu eedeeyey uu ka mid yahay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Warqadda kasoo baxday Odawaa ayaa astaan u ah inuu sii xoogeysanayo khilaafka madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble, ayada oo uu socdo olole dacwad loogu furayo ra’iisul wasaaraha.

Kooxda madaxweynaha ayaa qorsheyneysa in marka dacwad lagu furo Rooble uu madaxweynaha amro in shaqo ka-joojin lagu sameeyo ra’iisul wasaaraha, si looga wareejiyo hoggaanka xukuumadda iyo doorashada, oo loogu gacan geliyo ra’iisul wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar. 

Hoos ka aqriso warqadda kasoo baxday Jeneraal Odawaa 

Ujeedo: Magacaabid guddi

Ayadoo la tixraacayo warqadda tixraaceedu yahay WG/XW/00174/21 kana soo baxday Xatiiska Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya, soona baxday 21.12.2021 kuna saabsaneyd Baaritaan iyo wax ka Qabasho Dhacdo si waafaqsan sharciga. 

Laga bilaabo maanta oo ay Taariikhdu Tahay 21.12.2021, Waxaan Saraakiisha hoos ku xusan u magacaabay Guddi Baaritaan ku sameeya dhacdada ku cad warqadda kor ku xusan, waana sidaan magacyadooda:-

1. S/guuto Maxamud Sheikh Cali Maxamed, Guddoomiye
2. S/guuto Maxamed Tahliil Biixi, Guddoomiye ku-xigeen
3. S/guuto Maxamed Xaashi Guuleed, Xubin
4. S/guuto Maxamed Xasan Raage, Xubin
5. S/guuto Cabdullahi Warsame Siyaad, Xubin 

Sidaas darteed, waxaa Guddiga Saraakiisha sare ku xusan lagu adkaynayaa inay si hufan u gutaan shaqada iyo waaajibaadka loo igmaday.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii