Puntland oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta weerarkii wasiirka arrimaha dibedda

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo qoraal kooban soo saaray ayaa guddi ka kooban lix xubnood u xil-saaray weerarkii habeenkii Jimcaha ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo.

Guddiga ayaa baaris iyo dabagal ku sameyn doono sida ay wax u dhaceen, maadaama la beegsaday wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo xubno kale oo ay ku jiraan odayaal.

“Waxaan guddi baaris kusoo sameeya u magacaabay dhacdadii ka dhacday magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug,” ayuu yiri Karaash.

Xubnaha la magacaabay ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga ee maamulka Puntland, Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan.

Sidoo kale waxaa qayb ka ah guddiga xildhibaano iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan Booliska iyo maxkamadda ciidamada ee maamulkaasi.

Halkan hoose ka aqriso magacyada:-

1- Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan. (Wasiir ku xigeenka Amniga iyo DDR). Gudoomiye
2- Xil Axmed Jaamac Cabdulle. (Xildhibaan Puntland).
3- Xil Cabdiweli Yuusuf Warsame. (Xildhibaan Puntland).
4- Gen. Caydiid Axmednuur Warsame. (Kusimaha Taliyaha Booliiska Puntland).
5- Aadan Cali Maxamuud. (Kusimaha Xeer Ilaaliyaha Maxkamada Ciidanka Qalabka sida ee Puntland)
6- Asad Faarax Maxamed.  (Xoghayn)

Si kastaba, weerarkii Gaalkacyo ee habeen hore lagu bartilmaameedsaday wasiirka arrimaha dibada Somalia Cabdisaciid Muuse, Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad iyo xubnaha qoyska wasiir Cabdisaciid ayaa waxaa geystay ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo kulan afureedka xubnahaasi qoys ahaanta u shirayay u arkay mid siyaasadeed oo ka dhan ahaa Puntland iyo madaxweynaheeda murashaxa madaxweyne ah ee Saciid Deni.