Puntland oo qaaday tallaabo dhabar-jab ku ah qorshaha Qoor Qoor iyo Laftagareen

Garowe (Caasimada Online) – Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Puntland, ayaa guddiga doorashooyinka heer federaal ku wareejiyey xogta iyo galalka doorashadii baarlamaanka ee ka dhacday deegaanada Puntland.

“Waxaan oga mahadcelinaynaa Guddiga SEIT Puntland, sida hufnaanta leh oo ay ula shaqeeyeen GHDHF, sidoo kalena waxaan ku boorrinaynaa guddiyada kale inay soo wareejiyaan dhammaan xogta doorashada iyo xildhibaannada lasoo doortay, si guddiga FEIT uu fuliyo jadwalka dhammeystirka doorashada ee uu dhawaan shaaciyey,” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray guuddiga doorashooyinka heer federaalka.

Taallaabada ay qaaday Puntland waxaa horay u diiday maamullada Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo ku andacooday in howshaan aysan aheyn mid u taalla guddiga doorashooyinka federaalka iyo xafiiska Ra’iisul wasaaraha toona.

Waxay ku doodeen in hadda kadib shir ay yeeshaan madaxda golaha wadatashiga qaranka go’aan looga gaari doono cidka hoggaanka u qabaneysa qorshaha soo xareynta xildhibaanada iyo dhaarintooda.

Hase yeeshee Galmudug iyo Koonfur Galbeed waxay iska indha tireen heshiisyadii ugu dambeeyey ee doorashada oo lagu cadeeyey in guddiga doorashooyinka heer federaal uu howshaas u xil-saaran yahay, halka xafiiska Ra’iisul wasaaraha uu soo qaban qaabinayo xafladda dhaarinta xildhibaanada labada Aqal.

Koonfur Galbeed ayaa maanta qaaday taallaabo ka duwan tan caawa ay ku dhaqaaqday Puntland, wuxuuna madaxweyne Laftagareen shahaadooyin ku meel gaar ah guddoonsiiyey xildhibaanadii lagu doortay deegaanada maamulkaas.

14-ka bisha soo socota ee Abriil ayaa jadwalka ugu qoran guddiga doorashooyinka federaalka in la dhaariyo xubnaha baarlamaanka, balse ma jirto wax is-fahan ah oo laga gaaray dooda ay miiska soo saareen Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo iska diiday fulinta jadwalkaas.