26.5 C
Mogadishu
Wednesday, July 16, 2025

Puntland oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda dagaalka ka qarxay Sanaag

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhahar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah ay ka jirto gudaha gobolkaasi, kadib markii ay shalay ku dagaalameen ciidamada Puntland iyo kuwa kale oo taabacsan maamulka Maakhir ee ku sugan magaalada Dhahar, waxaana weli la dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Ilo wareedyo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in Puntland ay haatan ciidamo dheeraad ah gaysay gobolka, kuwaas oo laga soo qaaday dhanka magaalada Qardho ee gobolka Karkaar, waxyna ku biireen ciidamadii horay u joogay halkaasi.

Tallaabadan ayaa uga sii dareysa dagaalka shalay ka qarxay Sanaag iyo guud ahaan xiisadda ka aloolsan gobolka ee ka dhalatay dhameystirka maamulka SSC-Khaatumo.

Puntland oo Talaadadii soo saartay bayaan culus ayaa dagaalka ku eedeysay dowladda dhexe, waxayna sheegtay in xukuumadda Soomaaliya ay maleeshiyaad hubeysan ka abaabushay gobolka, si ay xiisad colaadeed uga abuureen degmada Dhahar ee gobolka Haylaan, taasoo keentay dhimasho iyo dhaawac.

“Falkan gurracan, oo lagu dhabar-jebinayo halganka xaqa ah ee ay Dawladda Puntland kula jirto argagixisada caalamiga ah ee Daacish iyo Al-Shabaab ee buuraha Calmidhkaad iyo Calmadow, wuxuu noqonayaa mid Dowladda Federaalka lagula xisaabtami doono,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Puntland.

Dhinaca kale, wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa iyadana soo saartay warsaxaafadeed ku aadan dagaalkii shalay waxayna eedeyn u jeedisay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyada oo ugu baaqday inuu joojiyo hurinta colaadda

Sidoo kale dawladda federaalka ayaa ugu baaqday dhammaan shacabka deegaanka inay isdejiyaan, kana fogaadaan falal kicin kara xasillooni darro iyo isku dhacyo. Waxaa sidoo kale la xusay muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada.

Qoraalka oo si toos ah eedeyn ugu jeediyay Siciid Deni ayaa lagu yiri: “Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa Madaxweynaha Puntland in uu joojiyo falalka sii hurinaya collaadda, isla markaana uu dib ugu celiyo ciidamada uu kasoo diray degmada Qardho, kuwaas oo loogu talagalay in ay la dagaalamaan Khawaarijta balse nasiib darro loo weeciyay dano kale oo aan waxtar lahayn.”

Si kastaba ha’ahaatee, dagaalkan ayaa daba socda shirweynaha ka socda Laascaanood ee lagu dhameystirayo maamul-goboleedka cusub ee SSC-Khaatumo, kaas oo ay ka carootay Puntland, waxayna diidan tahay in gobolka Sanaag uu ku biiro dhismaha maamulkaasi

- Advertisement -

Read more

Local News