Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Dowladda Qatar inay ka dambeysay dilkii maareeyihii shirkadda DP World ee dekedda Boosaaso, Paul Farmosa, kaas oo lagu dilay magaalada Boosaaso bishii Maarso 2019.
Puntland ayaa sidoo kale Dooxa ku tilmaantay dal taageera kooxaha argagixisada iyo warbaahinta faafisa afkaartooda.
Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sheegay in kooxaha ku sugan buuraha iyo kuwa uu sheegay inay ku dhuumaanayaan saxaafadda ay isku mid yihiin, isagoo carabka ku adkeeyay in maamulka uu si buuxda ula dagaallami doono cid kasta oo faafisa afkaarta kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in Qatar ay martigelisay hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab ee buuraleyda Galgala, Sheekh Maxamed Siciid Atam, kaas oo hadda ku nool Dooxa.
Wasiirka ayaa intaas ku daray in Qatar maalgeliso warbaahinta Middle East Eye, oo uu ku eedeeyay inay baahiso warar been abuur ah oo liddi ku ah maamulka Puntland, isagoo arrintaas ku tilmaamay mid ka tarjumaysa “ciil ay qabaan cid kasta oo aan rabin in Puntland ku guulaysato dagaalka ka dhanka ah argagixisada.”
Si kastaba, Lama oga sababta keentay xilligan in maamulka Puntland uu Qatar ku eedeeyo inay ka dambeysay dilkii maareeyihii dekedda Boosaaso, iyadoo la ogyahay in kooxda Al-Shabaab ay hore u sheegatay in ay ka dambeysay dilkaasi.
Eedeyntan ayaa imaneysa xilli Madaxweynaha Maamulka Puntland uu ku sugan yahay dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta, oo xiriir dhow la leh Puntland.
Deni ayaa halkaasi kulamo kula leh mas’uuliyiinta Imaaraadka iyo ganacsato xiriir la leh Puntland, inkastoo uusan weli maamulka Puntland faah-faahin ka bixin safarka madaxweynaha.
Siciid Deni ayaa hore dhowr jeer u tegay Imaaraadka Carabta, waana dalka ugu badan ee u safro. Imaaraadka ayaa loo arkaa saaxiib istiraatiiji ah oo dhaqaale iyo siyaasadeedba ku leh Puntland.
Safarkan ayaa yimid xilli ay banaanka yimaadeen xogaha saldhiga magaalada Boosaaso oo Imaaraadku u adeegsado dagaalka Sudan, iyadoo dhawaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xaqiijisay in diyaarado ka duulay Boosaaso ay ka degeen Sudan.

