Puntland oo raadineysa wiil iyo aabihiis oo dil gaystay

Gaalacyo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee maamul goboleedka Puntland ayaa haatan bilaabay howlgal ay ku baadi goobayaan Wiil iyo Aabihiis oo xalay dil ka gaystay waqooyiga magaalada ee xarunta gobolka Mudug, kadibna goobta ka baxsaday.

Eedeysanayaasha ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Xuseen Muuse Faarax iyo Wiilkiisa Maxamed Xuseen Muuse, sida ay shaaciyeen ciidamada Booliska Puntland.

Labada eedeysane ayaa loo haystaa inay dileen laba sarkaal oo ka tirsanaa Booliska qaybta gobolka Mudug, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray X/le Xuseen  Cabdul Cumar iyo X/le Sakariye Maxamed Diiriye.

Saraakiisha ayaa xilliga la dilayay fulinayay waaran soo qabasho ah oo loo soo jaray eedeysanayaasha oo hubeysnaa kadibna ay sidaas ku dileen marxuumiinta.

“Ciidanka Booliska Puntland ayaa raadinaya Edeysane Xuseen Muuse Faarax iyo Maxamed Xuseen Muuse oo cawa magalada Galkacayo gaar ahaan xaafadda Halabokhad ku dilay laba sarkaal oo police ka qaybta Gobolka Mudug ka tirsana kuwaas oo lagu kala magacaabo X/le Xuseen  Cabdul Cumar iyo X/le Sakariye Maxamed Diiriye iyagoo fulinayay waran loo Soo jarey edeysanaha” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska guud ee Booliska Puntland.

Waxaa kale oo qoraalka lagu yiri “Qofkasta oo garanaya halka ay joogaan waxa lagu boorinayaa in uu ka waco Ciidanka Booliiska Puntland Tell: +252905500000 ama lambarka gaaban ee Booliska 999 ama saldhiga booliiska ee kuugu dhow.

Sidoo kale Booliska ayaa shacabka ka dalbaday wada shaqeyn iyo inay soo war-geliyaan wax kasta oo liddi ku ah amniga maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

“FIIROGAARAH: Haddii aad heshid xog ku saabsan falal Amni daro ama aad arragtid wax aad ka shakisan tahay iyo wax walba oo la Xiriira dhaq-dhaqaaqa Amniga Puntland, isla markaana aad ku sugan tahay gudaha dalka” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

Gaalkacayo oo kala qaybisa maamullada Puntland iyo Galmudug oo ka kala taliya waqooyiga iyo koonfurta ayaa waxaa ka dhaca dilal iyo falal kale oo amni darro ah.