Puntland oo saanad afar nooc ah ka qabsatay Daacish

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo kale oo ay guullo ka gaareen ciidamada Puntland oo maanta ka dhacay aagga buuraha Calmiskaad, kuwaas oo lagu beegsaday maleeshiyaadka kooxda Daacish.

Ciidamada ayaa maanta gudaha u galay deegaanka Dhadaar oo ay horay ugu sugnaayeen maleeshiyaadka Daacish, iyaga oo ka qabsaday saanad ay ka careen.

Qoraal kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay qabsaeen saanad ka kooban 4 nooc sida rasaas, daawo, agab caafimaad iyo cunto qalalan oo ay ka carareen maleeshiyaadka argagixisada

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in ciidamaday ay deegaanka ka sameeyeen howlgal amni xaqiijin ah, si looga hortago dhagarta kooxda Daacish.

“Ciidanku waxay gudaha u galeen Dhadaar, waxa la qabtay Rasaas kooban, Daawooyin, Agab Caafimaad iyo Cunto qalalan oo ay ka carareen Argagixisada Daacish, waxay hawlgalo amni ka sameeyeen inta u dhexeysa Dhaadaar iyo Sheebaab” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa kusii siqaya dhulka buuraleyda ah ee Calmiskaad, waxaana shalay ay Daacish kala wareegeen dhowr saldhig, oo uu ku jiro saldhigga weyn ee Sheebaab, halkaas oo laga fara maroojiyay kooxda. Saldhigan ayaa ku yaalla halka uu ku dhammaado Togga Jeceel, oo ay dagaalladii ugu cuslaa ku dhex-mareen Ciidanka Puntland iyo kooxda Daacish.

Arrintan ayaa lama filaan noqotay, maadaama la aaminsanaa in kooxdu ay ugu yaraan isku dayi doonto inay difaacato saldhigeedii ugu weynaa ee aagga buuraha Calmiskaad, xilli ay dagaal adag kula jiraan geesiyaasha Ciidanka Daraawiishta Puntland.

Inkasta oo dagaalka Daacish laga gaaray horumar wanaagsan, haddana waxay khubarada amnigu ku talinayaan in aad loo feejignaado oo lagu dagmin xeeladaha cadowga naf la caariga ah.