Jowhar (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay hay’adda NISA ayaa waxaa looga hadlay khasaaraha saddex howlgal oo maanta siyaabo kala duwan uga dhacay deegaanno ka tirsan maamulka HirShabelle, laguna beegsaday Al-Shabaab.
Howlgalka koowaad oo ay si wadajir ah u qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ayaa ka dhacay deegaanka Daarul-Nimca, waxaana Al-Shabaab looga dilay 17 xubnood, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka kasoo baxay hay’adda NISA.
Hay’adda ayaa shaaca ka qaaday in laba mar ay kala dhaceen howlgalladaas, laguna jabiyay maleeshiyaadka kooxaha Khawaarijta ee ku sugan halkaasi.
Sidoo kale, howlgalka labaad oo ka dhacay degmada Alkowsar ayaa lagu khaarijiyay 19 kale oo isugu jiro horjoogayaal iyo maleeshiyaad, iyada oo sidoo kale lagu gubay gaadiid dagaal.
Howlgalka saddexaad ayaa isna ka dhacay gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanka Beerayabaal, kadib markii laga fuliyay duqeyn culus oo lagu beegsaday argagixisada.
Tirada guud ee dhimashada maanta loo gaystay Al-Shabaab ayaa ah illaa 48 xubnood oo si gaar ah loogu bartilmaameedsaday gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhex.e
“Ciidanka Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA iyo Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal duqeyn ah oo lagu dilay 48 xubnood oo isugu jiray Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda NISA.
Si kastaba, HirShabeelle ayaa haatan ka curtay kacdoon cusub oo looga hortegayo soo laba kacleynta Al-Shabaab, oo dooneysa inay dib u qabsato gobolkaasi.