Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in khasaaraha Al-Shabaab ka soo gaaray dagaalkii maanta ka dhacay deegaano ka tirsan HirShabeelle, waxaana la dilay in ka badan 70 Shabaab ah.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha Dadka Deegaanka ay maanta si wayn Khawaarijta ugu jabiyeen isku dayo la fashiliyay oo kooxdu ay ku soo qaaday weerarro ka dhacay dhowr deegaan.
“In ka badan 70 ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa lagu dilay hawlgallo ka hortag ah oo Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ay ku jebiyeen cadowga, kuwaasi oo ka dhacay deegaanka Caddow-Guray oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, deegaanka Ceel Cali Axmed iyo degmada Alkowsar oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe,” ayaa lagu yiri warka dowladda.
Ciidamada iyo weriyaal ka tirsan warbaahinta dowladda oo tegay goobaha dagaalka ayaa soo duubay muuqaalo iyo sawirro muujinaya sida Al-Shabaab maanta loogu xasuuqay degmada Al-Kowsar iyo deegaan lagu magacaabo Caddow-gurey oo hoos taga Buuloburde.
“Geesiyaasha Ciidanka Qaranka oo sii hayey xogta isku dayada nafla caariga ah ee Khawaarijta ayaa mid kasta sidii loo qorsheeyay u burburiyay, waxaana hadda yaalla goobaha ay ka dhaceen hawlgallada meydadka Khawaarijta oo ay ku jiraan horjoogayaal,” ayaa lagu yiri Warkaan ka soo baxay dowladda.
Inta ay socdeen hawlgalladaan waxaa sidoo kale lagu furtay hub badan, halka sidoo kale lagu burburiyay gaadiid nooca dagaalka, kuwaasi oo ay wateen Khawaarijtu.
“Dowladdu waxay wali tirakoobaysaa khasaaraha iyo jabka aan la soo koobi karin ee cadowga lagu gaarsiiyay hawlgallada guulaystay ee maanta lagu fashiliyay dhagarta cadowga, dhawaanna lala soo wadaagi doonaa shacabka Soomaaliyeed wararkii ugu dambeeyay,” ayaa lagu yiri warka ay dagaalkii maanta ka soo saartay DF Soomaaliya.
Wararka qaar waxay sheegayaan in Abwaan Nageeye oo dhowaan ku biiray Khawaarijta uu kamid ahaa xubnihii maanta lagu dilay dagaalka, inkastoo aan la soo bandhigin cadeymo rasmi ah.
Dhamaan deegaanadii lagu dagaalamay waxaa ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, waxaana kooxda lagu laayey duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka iyo iska caabin toos ah oo ciidamada ay kala kulmeen dagaalamayaashii weerarka soo qaaday.