PUNTLAND oo shaacisay go’aan ku saabsan DF

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Tamarta iyo Macdanta dowlad goboleedka Puntland, Caarshe Maxamed Siciid Aw-Muuse oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in dowlad goboleedka Puntland aysan hadda kadib juhdi ku bixin doonin dhismaha dowladda federaalka.

Caarshe oo kamid ahaa kooxda ololaha doorashada Saciid Deni ayaa sheegay in shaqo badan ay u taallo madaxda maamulka Puntland, islamarkaana ay ka shaqeyn doonaan danaha gudaha ee maamulkaas.

“Shaqo badan ayaa noo taalla, nooma yaallo in aan ku mashquulno dhiska federaal dambe oo ku mashquuli mayno. Federaal dambe oo ku mashquuleyno iyo toos-toosin dambe majirto, geedka timirka fadhiisaneyna shaqadayada qabsaneyna,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowlada cusub aysan ka ogolaan doonin waxyaabihii ay ka diiday madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ay si weyn isugu hayeen aragtida siyaasadeed.

“Wixii qaldan waan sheegeynaa, waxaan leennahay, waxaas waa laga fiican yahay, Farmaajo wax kale kuma diidanayn, Simply aragtiyo siyaasadeed ayaa lagu kala duwanaa. Haddii aragtiyo siyaasadeed oo lagu kala duwan yahay timaado, waan tilmaamaynaa. Marka wixii aan Farmaajo ka diidnay yaanan nala ku dayin ayaan leennahay.”

Puntland ayaa qayb ka aheyd isbeddelkii ka dhacay dalka, kadib doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wareegii u dambeeyey codad badan ka helay Saciid Deni oo kamid ahaa musharixiinta u soo gudbay wareega labaada ee doorashada.