Xeer Ilaaliyaha qaranka oo u yeeray wasiir Beyle oo uu kusoo baxay kiis xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka qaybtiisa qaabilsan denbiyadda Lidka ku-ah maaliyadda iyo dhaqaalaha ayaa waxa uu baaris ku bilaabay dambiyada la xiriira maaliyada iyo dhaqaalaha waddanka.

Xeer-Ilaaliyaha Guud ayaa sidaas darteed maanta u direy warqad yeermo ah Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, si wax looga weydiiyo arrimo la xiriira Maaliyadda oo Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha baaristiisa wado.

Wasiir Bayle ayaa la faray in maalinta Isniinta oo ku taariikheysan 27/06/2022 uu yimaado Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha saacadu markay tahay 11:00 subaxnimo.

“Wasiirka waxaa la farayaa in uu wakhtiga ilaaliyo, kuna yimaaddo balanta loo qabtay,” ayaa lagu yiri warqada sida tooska ah ugu socotay Beyle ee kasoo baxday xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Warqada u yeerista Wasiir Bayle ayaa sidoo kale waxa la ogeysiiyay Guddiga KMG ah Maaliyadda ee labada Aqal BFS iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.