Xildhibaan Dhabancad oo ka jawaabay arrintii xasaasiga aheyd ee uu sheegay Fahad

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii ku meel gaarka ahaa ee xildhibaanada golaha shacabka intii laga soo dooranayey guddoonka rasmiga ah ee golaha Xildhibaan Cabdisalaan Axmed Liibaan Dhabancad ayaa ka hadlay ka hadlay isku eedeynta uu wajahayo kiiska Ikraan Tahliil.

Dhabancad ayaa sheegay in rag iska dhicin ay ka tahay eedeynta Fahad Yaasiin ee ku wajahan ra’iisul wasaare Rooble iyo masuuliyiin kale oo uu sheegay inay dileen gabar sarkaal ah.

“Inta aan Rooble ka aqaano waa iska yartahay oo labo ama seddax jeer ayaan arkay, ninkii yiri Rooble ayaa gabar dilay isagaa la weydii doonaa oo dalka garsoor ayaa ka jira,” ayuu yiri.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad ayaa sheegay in Rooble uu talo ku lahaa in kursiga la dhaafiyo Fahad Yaasiin, “Laakiin anaga arrintoodu nama quseyn oo Rooble wuxuu ahaa nin aan musharax aheyn oo dadaalaya oo leh wixii la ii diray hala dhameystiro,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Wuxuu sheegay in ka Dhabancad ahaan uusan garaneyn sabab Rooble ku kalifi karta inuu gabar dilo, “Warkaas wuxuu iila muuqdaa war la iska yiri ee warbaahintu hadaba gasho oo weydiiya ninkii yiri.”

“Rooble wuxuu dilay gabar sarkaal ah oo NISA ka tirsan, qofkii yiri waa la weydii doonaa maalin un ama Rooble ayaa ka dacwoo kara oo maxkamad tegaya, qof wax uusan aheyn lagu sheego khatarteeda ayey leedahay,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad.

Isagoo wareysigaan siiyey TV-ga Shabelle Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad wuxuu ka hadlay sida ay ula muuqato isku tuur-tuurka uu galay kiiska Ikraan Tahliil, isagoo carabka ku adkeeyey in lama huraan ay tahay in kiiskaas uu maxkamadeyn sax ah helo.

“Ragii NISA madaxda ka ahaa xiligaas hadda baarlamaanka ayeyba soo galeen oo waan arkay, marka dadkaan waa in maxkamad lagu kala saaro, dalka hadey ka suurta geli weyso adduunka ayaa lala aadi karaa,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad.