Xamza oo war cusub soo saaray kadib ansixintii BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isulwasaaraha cusub ee maanta helay codka kalsoonida Baarlamaanka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa soo saaray qoraal uu kaga hadlayo sida ay baarlamaanka u siiyeen codkooda.

“ Waxaan ugu horreyn u mahadcelinayaa Eebbe weyne oo ii suurtagaliyay inaan manta hortago Golaha Shacabka si aan uga codsado in ay isiiyaan codka kalsoonida” ayuu yiri ra’isulwasaare Xamza oo qoraal kusoo qoray bartiisa Facebook.

Sidoo kale Ra’isulwasaare Xamza ayaa qoraalkiisa ku yiri “Waxaan sido kale u mahadcelinayaa madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ii magacaabay xilka wasiirka koowaad ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Anigana waan ka aqbalay aniga oo og culayska ay leedahay masuuliyadda culus ee xilkan uu leeyahay, balse waxaan ku kalsoonahay aqoontayda, Kartidayda iyo Waayo-aragnimadayda”.

Ra’isulwasaare Xamza ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in xildhibaanada iyo bulshada Soomaaliyeed ay garab iyo gaashaan u noqon doonaan si uu u guto waajibaadka hor yaalo.

“ Waxaan ugu dambeyn u mahadcelinayaa xildhibaanada sharafta leh o maanta cod aglabiyad leh igu ansixiyay” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Madaxweynaha JFS u magacaabay 15-kii Juun 2022-ka in uu noqdo Ra’iisul Wasaaraha 21aad ee Soomaaliya.

10 berri kadib kulan ay maanta xarunta villa Hargeysa isugu yimaadeen mudanayaasha golaha shacabka, ayaa cod aqlabiyad ah loogu ansixiyay Ra’iisulwasaare Xamsa.

220 xildhibaan oo kulanka soo xaadirtay ayaa waxaa dhamaantood ay cod gacan taag ah ay ku ansixiyeen ra’iisulwasaaraha , waxaana ra’iisulwasaraaha cusub xildhibaannada hortooda ku dhaariyay guddoomiyaha maxkamadda sare.