Puntland oo shaacisay xilliga ay qabaneyso doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliya

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta shaaciyey guddiga golaha wakiilada maamulkaasi u qaabilsan qabashada doorashada kuraasta Aqalka Sare ee taalla magaalada Garoowe.

Guddiga uu ku dhowaaqay guddoomiyaha ayaa ka kooban illaa shan xabnood oo ka tirsan baarlamaanka, waxaana ay kala yihiin:

  1. Xil. Axmed Jaamac Cabdulle Guddoomiye
  2. Xil. Sharmaarke Cali Cilmi Xubin
  3. Xil. Cabdiraxmaan Jaabiri Samata Xubin
  4. Xil. Cabdirisaaq Maxamed Saha Xubin
  5. Xil. Cabdiqani Nuur Faarax Xubin.

Cabdirashid Yuusuf Jibriil guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa dhinaca kale shaaciyey xilliga la qabanayo doorashada Aqalka Sare, wuxuuna sheegay inay dhaceyso maalinta Arbacada ah oo ku beegan 11-08-2021-ka.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa go’aankan ku wargeliyay guddiga doorashooyinka ee heer federaal iyo kan heer dowlad goboleed ee Puntland, si ay u qaataan doorkooda.

“Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yuusuf Jibriil wuxuu ku wargelinayaa Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT), Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Puntland (SEIT), Musharixiinta Xubnaha Aqalka Sare ee Puntland, iyo Dhammaan daneeyayaasha Doorashooyinka Heer Federaal in Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Puntland la qaban doono 11/08/2021, kuna beegan maalinta Arbaca, Haddii Eebbe Idmo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Tallaabada uu qaaday guddoomiye Jibriil ayaa daba socota tii  Deni oo xalay shaaciyey liiska 22 musharrax oo ku tartamaya 11-ka kursi ee ay Puntland ku leedahay Aqalka Sare.

Puntland ayaa noqoneyso maamulkii saddexaad ee bilaaba doorashooyinka, waxaana ka horreeyey Jubbaland iyo K/Galbeed oo qabtay doorashada kuraas ka mid ah Aqalka Sare.