26.4 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Puntland oo sheegtay in DF ay dagaal kale uga fureyso Mudug kadib dagaalkii Sanaag

Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xiisad ka hurineyso magaalada Gaalkacyo kadib dagaalkii dhawaan ka dhacay gobolka Sanaag, oo ay ku eedeysay inay ka dambeysay dowladda dhexe.

Guddoomiyaha gobolka Mudug, Faysal Sheekh Cali Jifo-Jabsade oo warbaahinta kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa si cad u sheegay in aan la oggolaan doonin in gudaha gobolka lagu qabto shirar siyaasadeed.

Faysal Jifo-Jabsade ayaa sheegay in dowladda federaalka ay dabada ka riixeyso shirar siyaasadeed oo uga dan leedahay xiisad kicin ka dhan ah maamulka Puntland, oo haatan uu kasii daray khilaafkooda, kadib dhismaha maamulka SSC-Khaatumo.

“Gobolka waxa uu leeyahay nidaam maamul iyo kala dambayn, waxaana naga go’an ilaalinta midnimada bulshada, deganaanshaha siyaasadeed iyo in aan laga faa’iideysan marxaladda aan ku jirno,” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland.

Sidoo kale waxa uu sheegay in shir kasta oo siyaasad xambaarsan oo aan qayb ka ahayn qorshaha horumarinta uusan aqbali doonin in lagu qabto gobolka, isagoo xusay in dowladda dhexe ay maleeshiyaad ka qoraneyso gobolkaasi, si ay qalaalase uga ridaan magaalada Gaalkacyo.

“Hadda waxaa noo cad in shirkani yahay arrima siyaasadeed oo Dowladda Federaalka Soomaaliya soo riixayso, haddii uu yahay shir horumarineed annaga diyaar u ah ee ha naloo keeno ajandihiisa, taasi way diideen, marka shir siyaasadeed oo dan laga lee yahay gobolkan iyo magaalada laguma qaban karo mana oggolin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiye Faysal Jifo-jabsade.

Hadalkan Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa imanaya xilli uu magalada Gaalkacyo ka socday diyaar garowga shir lagu sheegay in uu diiradda saarayo horumarinta gobolka Mudug iyo xal u helidda tabashooyinka ka jira.

Shirkaas oo la qorsheeyay in uu dhaco 30-ka bishan July ayaa waxaa ka qeyb-galaya ganacsato, qurba-joog, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Si kastaba, waxaa si dhow isha loogu hayaa sida uu xaalku noqon doono, maadaama uu maamulka Puntland ka horyimid qabsoomida shirkaan oo uu sheegay inay gadaal ka riixeyso Villa Somalia.

- Advertisement -

Read more

Local News