26.5 C
Mogadishu
Friday, June 20, 2025

PUNTLAND oo sheegtay in heshiis qarsoodi ah uu dhex-maray Villa Somalia iyo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa markii ugu horreysay shaacisay in heshiis qarsoodi uu dhex-maray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab, xilli uu qeybo kamid ah dalka ka socday guluf ka dhan ah kooxda.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay heshiis qarsoodi ah la gashay Al-Shabaab, kadib markii ay ku guul-dareysatay inay milatari ahaan isaga caabiso kooxda.

Wasiir Maxamuud Dirir ayaa sheegay in heshiiskan uu yimid xilii ay kooxdu qorsheynaysay inay duullaan ku qaadaan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, taasoo uu sheegay inay heshiiskan dowladda isaga joojisay ama uga hortagtay qorshahaas.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Villa Somalia ay qaaday tallaabooyin lagu fulinayo heshiiskan qarsoon, iyadoo xilkii ka Taliyihii NISA Cabdullaahi Sanbalooshe, si caqabad ugu dhigto dagaalkii Macawiisleeyda ee gobolka Hiiraan, sida uu sheegay.

“Heshiiska Villa Somalia la gashay Al-Shabaab wuxuu horseeday in la hakiyo dagaalkii ay Macawiisleyda ka wadeen gobolka Hiiraan, sidoo kale wuxuu dhalay in caqabado loo dhigo dagaallada ay beelaha deegaanka wadeen ee ka dhanka ahaa kooxda,” ayuu yiri Wasiir Maxamuud Dirir.

Marka laga yimaado hadalka Wasiirka Puntland, ma jiro xogo madax-banaan oo si rasmi ah u xaqiijinaya heshiiskan.

Si kastaba Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxda Al-shabaab midna kama aysan hadlin warkan culus ee uu shaaciyay Wasiirka Warfaafinta Puntland, taasoo abuurtay su’aalo badan oo ku saabsan heshiiskan qarsoodi ah ee la sheegay in ay gaareen labada dhinac.

- Advertisement -

Read more

Local News