Nairobi Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa Khamiistii xukun xabsi 30 sano ah ku ridday laba nin oo lagu helay dambiyo argagixiso oo la xiriira doorkii ay ku lahaayeen weerarkii dhimashada badnaa ee lagu qaaday hoteelka raaxada ah ee DusitD2 ee magaalada Nairobi sanadkii 2019.
Weerarka lagu qaaday hoteelka iyo xarunta xafiisyada ee DusitD2, oo ku yaalla bartamaha caasimadda, ayaa sababay dhimashada 21 qof, iyadoo ciidamada booliska ay ku guuleysteen inay badbaadiyaan ku dhawaad 700 qof oo rayid ah intii uu socday go’doomin 20 saacadood qaatay.
Shan dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab—oo xiriir la leh Al-Qaacida—ayaa weerarka qaaday galinkii dambe ee 15-kii Janaayo 2019. Mid kamid ah ayaa isku qarxiyay bannaanka hoteelka, halka afartii kale ay toogteen ciidamada ammaanka.
Bishii hore ayay maxkamad ku taalla Nairobi dembi ku heshay laba muwaadin oo Kenyan ah—Hussein Mohamed Abdille Ali, 22 jir, iyo Mohamed Abdi Ali, 61 jir—kuwaas oo lagu helay inay ku lug lahaayeen qorsheynta iyo fududeynta weerarka.
Garsoore Diana Kavedza oo Khamiistii xukunka ku dhawaaqaysay ayaa tiri: “In kasta oo eedeysanayaashu aysan si toos ah u qaadan hubkii waxyeellada geystay, haddana kaalintii ay ku lahaayeen diyaarinta weerarka waxay si toos ah u suuragelisay in dabley si wanaagsan u hubeysan ay fuliyaan weerarka, iyagoo watay qoryo, bambooyin iyo jaakado ismiidaamin ah.”
“Ma ahayn dambi saameyn kooban yeeshay—21 qof ayaa noloshoodii ku waayay,” ayay raacisay, iyadoo tixraacaysa marqaatiyaal ka badbaaday weerarka oo la wadaagay maxkamadda dhaawacyada nafsadeed ee ay weli la tacaalayaan.
“Raadka nafsaani ee weerarkaasi reebay aad buu u qoto dheer yahay,” ayay tiri garsooraha.
Kooxda Al-Shabaab ayaa dhowr weerar ka fulisay gudaha Kenya, taasoo qayb ka ah jawaabta ay uga falcelinayso go’aankii dowladda Kenya ay ciidamada ugu dirtay Soomaaliya sanadkii 2011 si ay ula dagaallamaan kooxdaas.
Weerarkii ka dhacay suuqa weyn ee Westgate Mall ee Nairobi sanadkii 2013 ayaa lagu dilay 67 qof, waxayna go’doomintaas socday afar maalmood.
Laba sano kadib, 148 qof ayaa ku dhintay weerar ay Al-Shabaab ku qaadday Jaamacadda Garissa, taasoo ku taalla meel u dhow xadka ay Kenya la wadaagto Soomaaliya.