Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa sheegay inuu helay dukumentiyo sir ah oo ay ka carareen maleeshiyaadka kooxda Daacish, kuwaas oo lagu ogaaday in xubnaha kooxda lagu soo daaweyn jiray gudaha Somaliland.
Inkasta oo maamulka uusan warbaahinta u soo bandhigin dukumentiyada uu sheegay inuu helay, haddana waxa uu tilmaamay in xubnaha kooxda qaarkood lagu soo daaweyn jiray magaalada Hargeysa, kadibna ay kusoo noqon jireen dhulka buuraleyda ah.
Warqadahan ayaa laga helay deegaannadii laga xoreeyay kooxda, waxayna muujinayaan in dhaawacyada xubno ka tirsan Daacish lagu soo daweeyay isbitaallo ku yaalla magaalada Hargeysa, sida uu sheegay maamulka.
Sidoo kale, warqadahan ayaa waxaa ku jira kuwo ay shirkado ganacsi alaabo ugu soo rareen kooxda Daacish, halka qaar kalena ay lacago ka heleen.
Dhanka kale, waxaa haatan socda baaritaanno dheeraad ah oo ay waddo Puntland, kuwaas oo lagu daba-galayo shirkadaha iyo isbitaallada la sheegay inay macaamileen argagixisada.
Horay, waxaa saldhigyadii laga qabsaday Daacish looga helay lacago shilinka Somaliland ah iyo sidoo kale lacagta Shilling-ka dalka Hindiya, taas oo shalay ciidamadu ka heleen goob ay kala wareegeen maleeshiyaadka kooxda Daacish ee ku sugan buuraha gobolka Bari.
Si kastaba ha ahaatee, Daacish ayaa laga sii tirtirayaa deegaannada Puntland, iyada oo lagala wareegay dhul aad u ballaaran, kadib howlgallo ay ku qaadeen ciidanka Puntland.